4 qof ayaa ku geeriyooday in kor u dhaafeysa 13 qofna waa ay ku dhaawacmeen Shil gaari oo ka dhacay Degmada Halgan ee gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka .

Gaariga Rogmaday ayaa waxaa uu noociisu ahaa kuwa Xamuulka qaada Soomaaliduna ay u taqaan (Candha Meydle) waxaanu ka amba baxay Magaalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan islamarkaana uu ku siijeeday Magaalada Muqdisho Xarunta Dalka .

Maamulka Dooxada Shabeele ee iminka ku sugan Magaalada Baladweyne iyo dadweynaha qaar ee magaaladaas ayaa u gurmaday Dhaawaca ka dhashay Shilkan gaari ee ka dhacay Halgan..

Mudooyinkii ugu dambeeyay Wadooyinka dheer ee isku xira magaalooyinka waaweyne e dalka waxaa ka dhacayay shilal ceynkan oo kale ah kuwaasi oo loo aaneynayo wadooyinka ay gaadiidka ku socdaalayaan oo aan aheyn kuwo u dayactiran socodka gaadiidka iyo qaar ka mid ah wadayaasha oo liidata aqoontooda wadista.

C/casiis Ibraahim Axmed
SBC International Garoowe