Abare 9kii fiidnimo ee caawa dabkii ka kacay Suuqa weyn ee magaalada Boosaaso islamarkaana soconaya ilaa iyo hada ayaa waxaa ka dhashay khasaare aad iyo aad u weyn oo soo gaaray Hantidii Taalay Suuqa

Sidoo kale sida la xaqiijiyay waxaa uu khasaare dhimasho dabkii caawa soo gaarsiiyay 1 qof halka dhaawacuna uu gaarayo ilaa 4 qof sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka isbitalka wayn ee Boosaaso, waxaana ay intaasi ku dareen in ay khasaaraha dhimasho iyo qar ka mid ah kuwa dhaawac ah ay ka dhasheen mid rasaaseed oo dhaceysay intii uu dabku soconayay.

gebi ahaanba Suuqa ayaa uu saameeyay dabka mudo ku siman 2saac iyo Bar oo uu soconayay, waxaana muuqaneysay dadweynaha Boosaaso iyo kuwa hantida ku lahaa oo iyagu sameynaya gurmadyo ay ku damacsanaayeen in ay ku demiyaan dabka balse ay u suurto gali weyday, waxaana sidoo kale muuqaneysay qaar ka mid ah dadka oo gaadiid ku urursanayay alaabo ganacsi si ay uga bad baadiyaan dabka.

Qeybaha kala duwan ee bulshada iyo masuuliyiinta gobolka ayaa gaaray goobaha suuqa ee gubaneyay waxaana ay masuuliyiinta kala hadlayeen idaacadaha dadweynaha iyagoona intii uu socday dabka ka codsanayay in ay la soo gaaraan gaadiidka cul culus ee wax lagu bur buriyo iyo kuwa daabula biyaha .

Saacadu iminka waa 11:50, dabkuna waa mid meeshiisii ka sii soconaya inkastoo uusan aheyn sidii uu horay ahaa, laakiin waxaa soconaya dadaalada lagu doonayo in lagu jaan gooyo.