Xafiiska laanta Socdaalka ee Passport Soomaaliga laga bixiyo oo ku dhexyaalay safaarada Soomaalida ee Dalka uganda ayaa waxaa uu xiranyahay Mudo sadex maalmooda iyadoo aan waxa ku saabsan Xiritaanka xafiiska aan la sheegin, lakiin warar laga helaayo bulshada ku dhaqan Dalka Uganda ay sheegeen in ay tahay in la doonaayo in lacagta lagu qaato passport-ka Soomaaliga la kordhin doono halkii markii hore looga qaadan jiray $100 Boqol Doolar ee lacagta Mareykanka ah iyo 30,000 UGX Sh Sodon Kun oo Shiling ee lacagta Uganda ah lakiin larabo in laga dhigo $130 Boqol iyo Sodon Doolar oo lacagta Mareykanka ah halaka wararka qaar ay sheegayaan in ay Rabaan safiirka iyo Counsol-ka Safaarada Soomaalida ee Uganda in ay u dhiibaan xafiiska laanta Socdaalka Kezaala Najib oo ah Nin u dhashay Dalka Uganda soona ahaa in muda ah maamulaha Guud ee Safaarada Soomaalida Dalka Uganda hore u Saxiixi jiray Waraaqaha Socdaalka iyo Cadeynta Soomaalinimada ay bixiso Safaarada Soomaalida ee Dalka Uganda.

Kezaala Najib ayaa Xafiiska Laanta Socdaalka oo shaqadiisii wata iskugu dhuftay Albaabada kadib markii uu si amara uga soo saaray Shaqaalahii laanta Socdaalka ee Safaarada Soomaalida Uganda iyo Dadweynahii loo shaqeynaayay oo iskugu jiray Rag, Dumar iyo Caruur kuwaasoo xiligaa loo samaynayay Passport-ka Soomaalida ee laga bixiyo Safaarada, Dadweynahii Soomaaliyeed ee markaasi ku sugnaa Safaarada Soomaalida ee Uganda ayaa ku tilmaamay tan in ay tahay guul daro u soo hoyatay Shacabka Soomaaliyeed aydoo Safaaradii ay lahaayeen uu si awooda ugu isticaalayo Nin aan xasaaniyadeeda laheen.

Safiirka Soomaalida ee Uganda Sayid Axmed Sheekh daahir ayaa 29 Dec 2011 ayaa soo saaray Waraaq lagu magacaabayo Kezaala Najib in uu Saxiixo Waraaqaha Socdaalka iyo Cadeynta Soomaalinimo ee la siiyo Dadka Soomaaliyeed asagoo hore ugu saxiixi jiray isla waraaqahaa ayaa waxaa ay Aqoonyahano wax laga weydiiyay ay ku tilmaameen in ay tahay Sharci daro in waraaqaha Cadeynta Soomaalinimo uu Saxiixo Nin u dhashay Dalkale.

Dadweynaha ayaa dhanka kale sheegay in Xafiiska Laanta Socdaalka Safaarada Soomaalida la furay Octobar isla Sanadkii 2011 ee lasoodhaafay uu shaqeynayo mudo Afar Biloodah halka uu Warqada lagu magaacabayo Kezaala Najib ay soo baxday Bishii Decembar ee 2011 ee sanadkii lasoo dhaafay uu magacaabanyahay mudo labo bilooda lakiin uu hore u saxiixi jiray Waraaqaha Socdaalka iyo cadeynta Soomaalinimo taan ay shaki ku beertay in larabo in loo dhiibo Xafiiska laanta Socdaalka ee Safaarada Soomaalida Uganda madaama uu Saxiixi jiray waraaqaha kale ee Socdaalka Soomaalinimo.

Councel-ka Safaarada Soomaalida ee Uganda Muuse Xareed oo ah Ganacsade Soomaaliyeed oo haysta Dhalashada Dalka Uganda ayaa sheegay in ay safaarada Howlaheeda ay u madax banaanyhiin Safiirka iyo Councel-ka loosoo magacaabay ayna soo qori karaan Shaqaalaha ka shaqeynaya safaarada Dadka Soomaaliya ka yimidna aysan laheyn Aqoon ku filan oo ay ku maamulaan Safaarado hadi ay Aqoonlahaan lahaayeen Dalkooda ayay hagaajisan lahaayeen ayuu yiri Councel-ka Safaarad, Muuse xareed ayaa sheega in uu yahay Nin u dhashay Dalka Uganda haystana Dhaqaale uu ka helay Shidaalka uu ka iibiyo Ciidamada AMISOM ee Nabad ilaalinta u Jooga Dalka Soomaaliya.

Safaarada Soomaalida ee Uganda ayaa mudo waxaa Councel ka ahaa Cabduqaadir Fatuuro aydoo Qilaaf soo kala dhex galay Safiirka Safaarada Sayid Axmed Sheekh Daahir iyo Councel-ka Fatuuro uu keenay in lagu soo Magacaabo Muuse Xareed oo Fatuuro ay yihiin ilma Adeer tasoo Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Uganda ay u arkaan Maamul xumo ama magacaabid qaldan oo ka timi Wasaarada Arimaha Dibada DFKG Soomaaliya.

Safaarada Soomaalida Dalka Uganda ayaa waxaa ka muuqda dayacaad badan iyo Burbur aydoo Waraaqaha Socdaalka ee calaa qof laga qaado $50 Konton Doolar halka Waraaqda cadeynta Soomaalinimo laga qaado $50 Konton Doolar Passport-ka Soomaaliga ayaa laga qadaa $100 Boqol Doolar iyo 30,000 UG Sh Sodon Kun Lacagta Uganda ah aydoo lagu qayaasay lacagta soo gashaa Bishii ilaa $30,000 Sodon Kun oo Doolar lakiin aan lagaga faa,iideysan Bilicda Safaarada Soomaalida taasoo Dadweynaha ay ku sheegeen Wadaniyada xumo iyo in Lacagta la,iskaga gurto Jeebka Shasiyadeed.

Dowlada Uganda iyo Shacabkeeda ayaa Dadka Soomaaliyeed ku soo dhaweeyay Dalkooda ayadoo Dowlada Uganda ay Ciidamo nabad Illaalinta u jooga Dalka Soomaaliya ee AMISOM yahiin Ciidamada ugu badan ee ka jooga wadanka Soomaaliya aydoo wadanka Uganda ay hore Qarax uga dhacay ay ku dhinteen ilaa 76 Qof oo u badan Shacabka Uganda ay sheegteen Xarakada Al-Shabaab taasoo ka careysiisay Shacabka Uganda uu Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Museveni uu Warbaahinta kala hadlay Shacabka Reer Uganda uu u sheegay in dhibka cida gaysatay aysan ahayn Dadka Nabadgalyada soo biday Dalka Uganda lakiin Dambiilaha laheli doono taasna ay Dadweynihii Soomaaliyeed qalbigooda qaboojisay.

Yusuf Osman Salah
Freelance Journalist
Department Of Mass Communication – Makerere University Uganda, Kampala