Booliiska wadanka Kenya ayaa sii daayay 4 qof qof oo loo haystay Qaraxii Todobaadkii hore Goob Basaska laga raaco oo ku taala Magaalada Nairobi kuwaasi oo su’aalo lagu weydiinayay maalmahan Xarunta Ciidamada Sirdoonka.

Dadka laga shakisan yahay oo ku xirnaa xarunta Ciidamada Qaabilsan La dagaalanka Argagaxisada ayaa la fasaxa waxaase ciidamadu ay kala hareen Mid ka mid ah Dadka la tuhunsan yahay oo lagu magacaabo Sylvester Opiyo kaaasi oo lagu eedeynayo inuu xiriir la leeyahay Xarakada Alshabaab ee ka dagaalanta Koonfurta Soomaaaliya

Dowlada Kenya horey qaraxa Dalkeeda ka dhacay ee ugu danbeeyay waxay ku eedeysay Xarakada alshabaab oo horey ugu goodisay weerar ka dhan ah danaha Kenya ka dib markii ciidamada Kenya ay bishii October ee sannadkii hore Ciidamo u soo dirtay Gudaha wadanka Soomaaaliya.

Warka Booliiska Kenya uu siidayay ee ku aadan Siideynta Dadkan laguma xusin Magacyada Dadka la siidayay iyo wadamada ay ka soo jeedaan.

Qaraxa Dhawaan ka dhacay Caasimada Kenya ee Nairobi waxaa ku dhintay inta la ogyahay 6 qof dad ka badan 60 qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii Bambaanooyin Qorsheysan lala eegtay Goob Mashquul badan oo ah goob laga raaco Gadiidka Dadweynaha.

SBC International Monitoring