Maxkamad ku taala Magaalada Mombasa ayaa waxaa laga akhriyay eedeynta loo haysto afar qof oo lala xiriirinayo inay sameynayeen Waxyaabo qarxa oo laga soo qabtay wadanka Kenya Gudihiisa waxaana dadkaasi ku jira nin u dhashay Dalka Britian.

Kooxda Afrta qof ah ayaa la sheegay inay sidoo kale qorshaha ugu jirtay in dhamaadka bishii tagtay ay ee December inay ka fuliyaan gudaha wadankaasi qaraxyo waaweyn oo khatar badan ay ka dhalan karto.

Dadka Maxkamada la hor keenay ee afarta qof ah ee maxkamada la keenay ayaa kala ahaa Jermain John Grant  oo ah Britisih iyo  Fouad Abubakar Manswab, Warda Breik Islam iyo  Frank Ngala oo ah Dad haysta Dhalashada wadanka Kenya.

Eedeysanayaasha iskugu jira Kenyanka iyo Britishka ayaa waxaa maxkamada alala keenay qaar ka mid ah qalabka ay isticmaalayeen oo ay ku jiraan Betteria Fiilooyin iyo qaar ka mid ah Kiimikooyinka qaar ee sameeya Qarax kuwaasi oo weli baaritaan ku socodo

Afrta eedeysane oo maxkamada ka hadlay ayaa gebi ahaanba dafiray eedeynta loo haysto ee la xiriirta inay maleegayeen qaraxyo ka dhaca gudaha wadanka Kenya.

Maxkamada ayaa markii ay dhageysatay eedeymaha loo haysto iyo Jwaabta ay ka bixiyeen waxaa ay go’aansatay in dib loo dhigo Maxkamadeyntooda ilaa Bisha February 20-keeda ilaa 22-keeda markaas oo lagu dhawaaqi doono xukunkooda.

Ninka ugu sareeya Maxkamada wadank Kenya Mr Jacob Ondari ayaa dalbaday In xukunkan Dib loo dhigo inta laga soo dhameytirayo Cadeymaha loo hayo dadkan oo ay ka mid tahay in la xaqiijiyo Kiimikada lagu qabtay inay saacido Qaraxyada.

Qabqabashada Dadkani waxay ku soo begmeysaa ka dib markii Bilowgii Bishan January 2012 ayaylada Britian ay sheegtay inay rumeysan tahay in kooxaha Islaamiyiinta ay qaraxyo ka geysan doonan Goobaha dadku iskugu yimaado ee wadanka Kenya Sida Baararaka iyo Suuqyada.

Dhinaca kalena Dowlada Wadanka Kenya ayaa Xoojisay Amaanka Dalkeeda wixii ka dabeeyay markii ay ciidamadeeda galeen Dalka Soomaaliya Bishii October ee Sannadkii Tagay.

Keyse C/rashiid CIsmaan
SBC International Monitoring