Kediska ramadaanka ee ay Hay’ada warbaahinta Soomaaliyeed ee SBC ay u qabato xaafadaha Deegaanada Puntland ayaa waxaa uu marayaa heerkii labaad ee ay isugu soo bexayeen xaafadaha 12ka ah ayna ku hareen 12 kale.
Habeennimadii xalay oo uu ramadaan ku beegnaa 21 ayaa waxaa lagu dhawaaqay xaafadaha 12ka ah ee u soo baxay wareega isreeb reebka 12ka xaafadood waxaana ku dhawaaqay gudoomiyaha Kediska Bisha ramadaan Maxamed Cali Fanoow, iyadoo uu ugu dhawaaqay sidan.
Biya kulule Boosaaso
Laanta Hawada Boosaaso
Qoryacad qardho
Xingood Qardho
Raf iyo raaxo Boosaaos
Raxiis Boosaaso
Laan Barwaaqo Uffeyn
Xorgoble Qardho
Goljano Waaciye
Kaambo Qarhdo.
Iftin Baran
Xaafadaha Soo baxay Waa 12 balse waxaa caawa dhici doona kulan ay wada yeelan doonaan laba xaafadood oo iyagu Barbar dhac ku noqday Group-kii ay ku jireen kuwaasi oo midood caawa u soo bixi doonta wareega 12ka oo aan iminka dhameystirneyn .
Ka dib markii lagu dhawaaqay xaafadahan ayaa waxaa uu gudiyo amray xaafadaha Soo baxay in ay yimaadaan Xarunta SBC si ay u qabsadaan Qori tuur ku aadan sida ay isku ar arki doonaan.
Wakiilo ka socda toban 10 xaafadood ayaa yimid xarunta SBC waxaana ay qabsadeen Qori tuurkii iyagoona sidan isugu aaday.
Xaafada Biya kulule oo qabsatay lambarka 1 Waxay ku dhacday Xaafada Laanta Hawada Boosaaso oo 2 heshay.
Xaafada Qoryacad qardho oo qabsatay Lambarka 4aad waxay ku dhacday Xaafada hesha lambarka 3naad oo iyadu xalay aan goob joog aheyn balse caawa lagu wado in ay qabsato qorituurka.
Xaafada Xingood Qardho Waxay qabsatay Lambarka 5naad waxay ku dhacday Xaafada Raf iyo raaxo Boosaaso oo heshay 6.
Xaafada Raxiis Boosaaso Waxay heshay Lambarka 7aad waxayna ku dhacday xaafadaLaan Barwaaqo Ufeyn oo uu 8 u soo baxay.
Xaafada Xorgoble Qardho Waxaa u soo baxay lambarka 9aad waxaana ay ku dhacday Goljano Waaciye oo uu u soo baxay 10.
Xaafada Kaambo Qardho waxaa u soo baxay Lambarka 11naad waxaana ay ku dhaceysa xaafad ka mid ah xaafada Caawa u soo baxda wareega 12 Xaafadii hesha qori tuuurka Lambarka lambakeeda xiga ee ah 12, oo dhici doona
Waxa meesha ka maqan 2 xaafadood oo mid caawa u soo bexeyso wareega 12ka iyo xaafad kale oo aan xalay soo xaafirin ee ah Iftin Baran.
Hadaba Caawa Waxaa dhici doona 3 kulan oo dhex maro doona Xaafadaha
Booxaaro Sheerbi Vs Golis Baran, oo iyagu ku kala baxaya u soo bixitaanka Wareega 12ka
Biyo Lulule Boosaaso Vs Laanta Hawada Boosaaso, ( El classico )
Xingood Qardho Vs Raf iyo Raaxo Boosaaso oo ah Qeybta u dambeysa.
K M Cayuuni
SBC International