Waxaa xeebta boosaaso ku soo caaryeen kaluun aad u farabadan kuwaasoo lagu arkayay xeebta dheer ee ku dherersan qaar ka mid ah xaafadaha magaalada boosaaso ayaa waxaa soo baxaya cabasho ay ka muujinayaan dadka degan xaafadaha ku teedsan ama dariska la ah xeebta taasoo ay ku macneeyeen in ay is badashay urkii iyo Sixadii oo ay markaasi ay ku sheegeen in la mari la,yahay xaafadaha qaarkood.

Saciid Faarax Bille oo ka mid ah dadka degan xaafada alcarab ee magaalada boosaaso khibradna u leh waxyaabahaas ayaa warbaahinta SBC u sheegay in loo baahan yahay in wax laga qabto oo Ay dowlada hoose ku dadaasho keenista gawaari lagu guro kalunkaas si looga hortago khatarta ay bulshada ku keeni karto.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay dhici karto in ay kaluunkaas cunaan dad yaryar iyo kuwo aan aqoon lahayn sidoo kalana lagu qaldi karo kaluunka fayoow ee la iibiyo waxaana ugu danbayntii uu SBC u sheegay Saciid in dowladu ay ogaato waxyaabaha keenay kaluunkan caaryay ee bedelmay .

DAAWO SAWIRADA


 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

SBC International Monitoring