Kaluumaysato Iiraaniyiin ah oo horay ay u afduubteen Koxaha Burcad badeeda Soomaalida ah ayaa ku guulaystay in ay la wareegaan Hubkii ay Burcad badeedu wateen,iyagoona iska xoreeyay afduubkii ay kooxahaasi ku haysteen.

Taliye ka tirsan xarunta xadka bada Chabahar,Ahmed Asheqi ayaa sheegay in ay hubka ka dhigeen Lix Burcad badeed Soomaali ah,kuwaasi oo haatan ay gacanta ku hayaan ilaalada xadka bada Chabahar.

Axmed Ashiqi waxaa uu sheegay in Kaluumaysatada Iiraaniyiinta ah ay iyagu gacanta kusoo dhigeen Burcad badeeda,iyadoona ay ka taagroonaadeen markii ay weerareen.

Kaluumaysatada Iiraaniyiinta ah ayaa 38 maalin ku jiray bada kahor inta aanay Burcad badeedu weerarin,waxaana Kaluumaysatadu markii ay ka taagroonaadeen ay ula dhaqaaqeen dhanka xeebaha dalka Iiraan.

Ciidamada Ilaalada Xadka bada Iiraan ayaa sheegay in ay kala wareegeen Burcad badeeda Hub ay ku jiraan,RBG-7,Kalashnikov rifles iyo Gantaalaha RPG-ga.

Iiraan waxaa kaga sugan xeebaha Soomaaliya Maraakiib dagaal kuwaasi oo inta badan ilaalo ka ah gaadiid badeedka dalkooda laga leeyahay, waxaana arinta ay noqonaysaa mid la yaab leh,inkastoo aan si cad loosoo bandhigin qaabka ay kaluumaysatada uga taagroonaadeen Burcad badeeda.

SBC International Monitoring