Waxaa maanta si rasmi ah u furmay kalfadhigii 26-aad ee mudanayaasha Baarlamaanka Puntland iyadoona uu si rasmi ah u furay madaxwaynaha dowlda Puntland C/rixmaan Shiikh Maxamed Maxamud (Faroole) sidoo kale madaxwaynuhu waxa uu xariga kajaray maanta dhisme cusub oo uu yeelanayo baarlamaanku kan kooban 11 xafiis iyo hool wayn oo lagu tala galay kalfadhiyada Baarlamanka kaasi oo ay dhismihiisa gacan ka gaysatay hay’ada Awepa .
Kal fadhigaan ayaa waxaa manta goob jog ka ahaa xildhibaano kor u dhaafaya 50 xildhibaan ugu horayna waxaa kal fadhiga ka hadlay guddoomiyaha Baarlamanka Puntland C/rashiid Maxamed Xirsi oo ka warbixiyay ajandaha kalfadhiga isagoona sheegay inay wadaan ajandayaal hor u dhaca ah oo uusan cadayn waxa ay yihiin, guddoonka ayaa sidoo kale Madaxwaynaha ka codsaday inuu  warbixin dheer ka siiyo mudanayaasha xaaladihii ugu danbeeyay ee guud ahaanba deegaanda Puntland Gudaha & Dibada

Intaasi ka dib waxaaa lagu soo dhaweeyay madaxwaynaha dowlada Puntland oo soo jeediyay qudbad dheer oo uu kaga hadlay dhinacyo badan waxaana uu madaxwaynuhu soo hadal qaaday Arrimaha ka taagan Koonfurta Soomaliya iyo banaanbaxyadii lagu taageerayay Ra’isalwasaarihii iscasilay Farmaajo.

 Madaxwayne Faroole ayaa sheegay inay banaan baxyadaasi ka danbeeyaan dad uu ku Sheegay inay  leeyihiin dano gaar ah aana wax dan  ahna aan u hayn ummada Soomaaliyeed sidoo kale madaxwaynuhu waxa uu soo hadal qaaday xiriirka caalamiga ah ee Puntland Isagoo sheegay inay sameeyeen xiriir wanaagsan oo  ay ugu horreeyaan waddamada dariska la ah wadanka Soomalaiya waxaana uu xusay madaxwaynuhu in la ogaaday in aan Puntland looga  maarmi karin ka hadlida xaalada kataagan wadanka Soomaaliya .

Madaxwayne Faroole oo ka hadalayay  xaaldaha katagan gudaha deegaanada Puntland waxaa uu soo hadal qaaday dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee ka dhacayay  magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka  Mudug waxaana uu sheegay in ay  wax wayn ka qaban doonaan xaalada ammaan ee gobalkaasi “waxaa ka dhaca  magaalada Gaalkacyo dilal qorshaysan oo Ay gaystaan dad Rabsho wadayaal ah oo aan doonayn nabada iyo horumarka Puntland waana ka guulaysan doonaa dadkaasi “ayuu yiri Madaxwayne Faroole.

Dhanka kale madaxwaynuhu waxa uu soo  hadal qaaday gobalada maqan ee katirsan deegaanda Puntland isagoona xusay  inaysan ilaawain soo celinta gobaladaasi ayna usoo  celin doonaan sida ugu dhakhsaha badan sidoo kale madaxwaynuhu  waxaa uu sheegay Inay wadaan qorshayaal badan oo ku aadan arrintaasi sida ugu dhaqsiiyaha badana loo arki doono.

Gabagabadii khudbada madaxwaynahu waxaa uu ka hadlay xaalda cakiran ee  kataagan gobalkaasi Sanaag isagoo xusay inay halkaasi galeen kooxo uu kutilmaam inay yihiin nabad diid laguna khasbanaaday in lasuga ammanka guud ee deegaanadaasi iyadoona uu madaxwaynuhu shaaciyay inaysan dowladu cunaqabatayn dadweynaha ku dhaqan gobalkaasi balse ay halkaasi u mari jireen kooxahaasi  cunto iyo waliba qalab kala duwan.

Mudanayaasha baarlamaanka Puntland  ayaa madaxwaynaha waxa ay wax ka waydiiyeen xaaladaha gobalka sanaag iyo cunaqabataynta la saaray deegaandaasi xaalada gobalka mudug, Dhaqdhaqaaqyada ciidan ee gobalkaasi Sool iyo ammaanka guud ee deegaanda Puntland.

Xildhibaan Maxamed Cali Guuleed oo ka soo jeeda gobalkaasi sanaag oo madaxwaynaha wax Ka waydiiyay xaalada gobalka sanaag  kana codsaday in cuna qabataynta si dag dag ah looga qaado.

Madaxwaynaha oo kajawaabayay su’aashaasi ayaa sheegay in aysan dowladu u danlahayn dadka rayidka ah ee ku dhaqan gobalka sanaag balse la sugayo ammaanka dadka reer Puntland lana go’doominayo dadka uu ku sheegay inay  taakulaynayaan wadaadka sida waynuga soo hor jeeda dowlada Puntland Sheekh Maxamed Siciid Atam uuna sheegay inuu  diyaar u yahay inuu kala hadlo xaaladaasi ciidamada ammaanka ,mudanayaasha gobalkaasi ka soojeeda iyo cid walba  oo ay qusayso arrintaani.
Kal fadhigaani ayaa waxa uu ku soo beeg mayaa iyadoo ay ka jiraan deegaanda puntland xaalado kala gadisan sida qalalaasaha kataagan gobalka Mudug, xaaladaha nololeed  ee ka taagan Gobalka Sanaag iyo waliba maamul cusub oo dhaawaanta lagu dhawaaqay oo lagumagaco Raascasayr Land, ayna marayso xaalda siyaasadeed ee Soomaaliya meel xasaasi ah.

Yusuf Maxamed Maxamud ( Yuusuf Yare)
SBC International Garoowe