
Kalfadhigii Labaad ee Xildhibaanada Golaha deeganka ee degmada bosaso oo soconayey mudo ku siman halbil ayaa oo loo gahadlayay arimo badan oo la xiriira hawlaha degmada, ayaa maanta la soo gaba gabeeyay
Gudoomiyaha degmada Bosaso Xasan Cabdalle Xasan oo SBC lahadlay kadib markii uu kalfadhigu soo xirmay ayaa sheegay in arimhii kalfadhigu ka doodayeen ay si wanaagsan ku dhamaadeen.
Xasan Cabdalle Xasan ayaa sheegay in mudadii uu kalfadhigu socday la ansixiyay Xisaab xirkii Dawlada Hoose iyo Xildhibaano Cusub oo ku soo biiray Golaha deegaanka Degmada Bosaso .
Sidoo Kale Gudoomiya ayaa sheegay in ay jiraan mashaariic hour marineed oo dhawaantan uu filinayo Maamulkiisu .
Mudadii uu Socday Kalfadhiga Golaha Deegaanka ayaa si wanaagsan Kusoo dhamaaday iyadoo Kalfadhigani ahaa kii labaad ee ay yeeshaan Golaha deegaanku .
Cismaan Saalax Ismaaciil
SBC International Boosaaso