Kalfadhigii labaad ee golaha Barlamanka Soomaaliya oo Furmay

kalfadhiGudaha magaalada Muqdisho xarunta dalka waxaa maanta si rasmi ah loogaga furay kalfadhigii 2aad ee baarlamanka Soomaaliya.

Xaflad ay ka qeyb galeen madaxda dowlada ayaa lagu furay kalfadhigan waxaana hadalo ka soo kala jeediyay madaxdii halkaasi tagtay .

Madaxweynaha Dowlada Federaalka iyo Raiisul wasaarihiisa ayaa ka mid ahaa dadkii ka qeyb galay .

Gudoomiyaha baarlamanka Soomaaliya ayaa isagu xafladaasi ka jeediyay hadal ku aadan furitaanka kulanka isagoo ka dib ku soo dhaweeyay Madaxweynaha .

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isagu halkaasi ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysay waxaanu kaga hadlay arimaha Amaanka Horumarka iyo wax qabadka u hirgalay xukuumadiisa.

Waxa uu sheegay madaxweynuhu in horumar dhinacyo badan leh lagaaray intii ay xildhibaanadu safarka ku maqnaayeen waxaana uu taabtay arimaha guulaha ciidanku ka gaareen deegaano ka tirsan dalka Aqoonsigii laga helay dalka Mareykanka iyo wafuud caalami ah oo muqdisho timid.

Si kastaba ha ahaatee kalfadhigan aya waxa uu uu furmayaa xili xildhibaanada baarlamanku ay soo dhameysteen fasax ay galeen mudo bilo ah .

SBC International Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print
NEWS IN ENGLISH
WARARKII