Waxaa maanta hoolka wayn ee Dowlada Hoose Boosaaso lagu qabtay xaflad isiigu jirtay xiritaankii kal fadhigii Golaha Deeganka Boosaaso oo iyadu bilaabatay 4tii bashan  iyo doorashadii Gudiga Joogtada ee Golaha Deegaanka

Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Madax Sare oo ka soctay Dowlada Puntland oo uu ugu horeyay Wasiirka Maaliyada Faarax Cali Shire, wasiirka Dekadaha iyo wasiiro kale,

Sidoo kale waxaa xafladaas goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Gobalka Bari C/samad  Maxamed Galan odayaal dhaqameedyo ururada hooyoyinka  iyo gudiga golaha deegaanka

Ugu horantii waxaa loo codeeyay xubnihii ka mid noqon lahaa gudiga joogtada  iyadoo hab gacantaag ah loogu codaynayay

WAxaana Cod bixin ka bacdi ku guuleystay sagaal xubnood oo ka mid noqday gudiga joogtada ee degmada Boosaaso ee gobalka bari.

Waxaa ku dhawaaqay natiijadii cod bixinta sidii ay u dhacday doorashada Duqa Degmada Boosaaso Xasan Cabdalah Xasan oo isgu ah Gudoomiyah Golaha Deegaanka Boosaaso.

Waxa uuna sheegay in ay ku guulayteen 9 xubnood oo kamidnoqday gudiga joogtadada isagoo u sheegay in ay hool adag u taal xubnahaas islamarkaana looga baahanyahay is garab istaagan, isagoo ka dhawaajiyay in ay labo xubnood ay ka tanaasuleen

Isu duwaha dowladaha hoose ee Gobalka Bari Maxamed Axmed Maxamuud oo isana halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin aad u wanaagsan madaama ay doorashadu u dhacday si wanaagsan intii ka soo qayb gashana ay aad ugu qanceen loona baahan yahay in wax qabad laga arko gudiga mantay halkaa lagu doortay

Ugu danbayntii waxaa xafladaaasi soo xiray wasiirka maaliyada Puntland Faarax Cali Shire o isna amaan balaaran u jeediayay dhamaan gudiga golaha deegaanka,

Waxaa uu wasiirku ugu dardaarmay ay si wanaagsan uga shaqeeyaan bilicda magaalada Boosaaso, waxaanu ugu baaqayo hayada korantada in ay magaalada ka sameeyaan nalooyin tiir walba oo meel laga tagana lagu xiro nal dhirna magaalada lagu beero isla markaana cidii ku beeri wayda laga qaado ganaax lacageed bil.

isagoo ugu danbayntii soo jeediyay in golaha deegaanka uu yeesho gudiyo kala duwan oo midba  hawl qaabil sanyahay isagoo  sheegay in uu ka rajeeynaayo  wax qabad wanaagsan dhamaantood.

kulanka golaha deeganka Boosaaso ayaa hoolka wayn ee dowlada hoose Boosaaso ka furmay 4tii bishan isagoo kulankaa lagu doortay xog haynta golaha deegaanka Boosaaso xafladan ay ahayd soo xiritaankii kalfadhigii goolaha deeganka.

Axmed Nuune
SBC International Boosaaso