Furitaanka kalfadhiga barlamaanka Puntland oo ay maanta soo xaadireen kow iyo konton(51) xildhibaan  waxaa ka qayb galay madaxwaynaha Puntland iyo qaar kamid ah golaha wasiirada  iyadoona kalfadhiga 27aad  ee golaha wakiilada  uu ku soo beegmay xili dhisme ka socdo xarunta barlamaanka Puntland lagu qabtay hoolka wasaarada amniga.

Gudoomiyaha barlamaanka Puntland C/rashiir Maxamed Xirsi oo furay kalfadhiga waxaa uu sharaxaad ka baxinayaa ajandayaasha kalfadhiga waxaana uu sheegay in muhiimada ugu wayni ay tahay ansixinta miisaniyada sanada 2012 iyo xaalada dalka oo uu sheegay in ay ka jiraan arimo aad u farabadan isla markaan golahu dood adag ka yeelandoonaan .

Madaxwaynaha Puntland C/rixmaan Sheikh Max’ed oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey furitaanka kalfadhiga waxaa uu warbixin ka siiyey golaha wakiilada mudadii fasaxa ku jireen ee uu golohu xirnaa isaga oo sheegay in uu wanaagsanaaday xiriirka Puntland iyo dowlada fadaraalka KMG ah Somaaliya oo sheegay in uu ku faraxsanahay in wadashaqayn dhexmarto Puntland  dowlada federaalka ah  isaga oo intaa ku daray fulintii heshiisyadii horay loo galay in ay tahay tilaabo muhuum ah .

Dhankale waxaa uu madaxwaynuhu warbixin ka siyey mudanayaasha barlamaanka safaradii dibada iyoshirkii burcadbeeda looga hadlayey uu ka qaybglay waxaana uu ku dheeraaday dhibaatada burcad badeed ku hayso caalamka iyo somaliya in aan la sii eegan Karin ee ay tahay in wax laga qabto iyada oo caalamka lala kaashanayo.

Inta uu ku jiray madaxwaynuhu khudbadiisa waxaa uu ka hadlay dhinacyo aad u badan oo ay ka mid ahaayeen dhanka amniga ,hormarka dalka oo uu sheegay in wax badan la qabandoono inta ka dhiman sanadkan iyo arimakale oo ay ka mid ahayd soo galitaanka ciidamada Kenya ee dalka Soomaalia oo sheegay in uu taageersanyahay isla markaan soo dhawaynayo tilaabo kasta oo laga hortagayo Xarakada  alshabaabul mujaahidiin.

Sawiro







Maxamed Siciid Yuusuf

SBC International Garoowe