Kalfadhigan oo ah kii 11naad oo ay yeeshaan golaha deegaanka degmada Garoowe oo sanadkiiba 2 jeer la qabto ayaa maanta waxa uu ka furmay hawlka shirarka dowlada hoose ee magaalada Garoowe iyadoo ay kasoo qayb galeen golaha deegaan degmada iyo masuuliyiin ka socotay dowlada Puntland.

Kala fadhiga golaha deegaanka ayaa ah mid sanadkiiba laba jeer ay yeeshaan golahu ayaa waxaa kulankooda uu ahaa mid ay ku soo bandhigayeen waxyaabihii u qabsoomay lixdii bilood ee sanadkaan u qabsoomay

Wasirka Arrimaha Gudaha Iyo Dowladaha hoose ee Puntland C/laahi Axmed  Jamac ilka jiir ayaa maanta si rasmi ah ugu Furay kalfadhigii 11 aad ee Golaha Degaanka Degmada Garoowe iyadoo ay maanta soo Xaadireen 18 Xubnood oo Golaha Degaanka ka tirsan

Gudoomiyaha Degmada Garoowe ahna Gudoomiyaha Golayaasha Degaanka C/casiis Nuur Cilmi Koor oo Hadal ka jeediyay Maanta ayaa sheegay ajanadaha kalfadhiga 11aad ee golaha Deganka Degamad

Duqa Degmada Garoowe waxaa kale oo uu kawaramay lixdii bilood ee la soo dhaafay waxyabihii laga qabtay Degmada, in ay wax badan ka qabteen dhaanka amniga degmada soocelinta bilicda magaalada  hagaajinta wadooyinka dhiilirigelinta dhalinyarada ee dhinaca sportska iyo wacyigelinta bulshada ee dhinacyada nadaafada dariswanaaga isagoona sii raaciyay hadalkiisa in ay siiwadi doonaan hawlaha ay bulshada u hayaan.

Wasairka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose C/laaji Axmed Jamac ilka Jiir oo si rasmi ah ugu Furay ayaa ku amanay Dowlada Hoose ee Garowe waxyaabihii ay ka qabteen Garowe lixdii bilood ee la soo dhafay balse dhinaca kale ku adkeeyay in ay wax ka qabtaan dhagaxa Badan  ee Daadsan Wadooyinka iyo Boosaska aan wali la dhisan in wax laga qabto.

Kalfadhiga Golaha Degaanka waxa la qabtaa lixbiloodba Mar iyadoo hadan uu u yahay kalfadhigaani golhan Degaanka Degmada Garowe oo dhisan sanad iyo lixbood  kalfadhigaan ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili mudooyinkii ugu dambeeyay hormarino dhinacyo badan ah oo ay ka mid tahay hagaajinta wadooyinka

Cabdi Casiis Ibraahim Sxmed C/casiis Okey
SBC International Garoowe