Waxaa Wali Meel xiiso Leh Maraya Barnaamijka Kadiska Ramadaanka Ee Warbaahinta SBC Kaas Oo Ay Ku Tartamayaan Xaafado Kamid Ah Dagmooyinka Puntland.

Habeenimadii Xalay Aheyd Ayaa Waxaa Dhacay Hal Tartan Oo Ay isaga Horyimaadeen Xaafadaha Hodan Garowe iyo Raxiis Boosaso, Waxaa La weydiiyay Markii Hore min 6-Su’aalood Iyadoo La ismari waayay.

Waxaa Jiray Su’allo Adag oo Ay kala Faa’ideysteen Labada Xaafadood iyo Kuwo Gudigu Uu Ka Jawaabay.

Ugu Danbeyn Su’llo Dheeri Ah Oo Lagu Daray Kadib Ayaa Waxaa Tartankaasi Guushu Ay Ku Raacday Xaafadda Raxiis, Boosaso.

Sidoo Kale Waxaa Xalay Baaqday Kulankii Labaad Ama Tartankii labaad Ee Dhexmari Lahaa Xaafadaha Hilaac Baargaal, iyo Waabari Garowe, Iyadoo Uu Dhici Doonno Caawa 8:30 PM, Fiidnimo.

Ugu danbeynna Tartanno Adag Ayaa sidoo kale Loo madalsanyahay isla Caawa Iney Ka dhacaan Xarunta Tv-ga SBC Ee Boosaso, Waxaanna Ay Iskaga Hor imaan Doonaan Sida Hoos Ku Qoran.

Kaambo Qardho        VS           Xingood Qardho
Gol Jano Waaciye                 VS           Biyo Kulule Boosaaso