Sidii aad kala socoteen wararkii aan idiin soo gudbinay waxaa qarax & toogasho ay ka dhacdey wadanka Norway magaalada caasimada ah ee Oslo & Jasiirada Otuya oo ay kulan ku lahaayeen 700 boqol oo dhalinyaro ah oo ka qayb galayey kulan xisbiga Labour-ka uu lahaa, waxaa weeraradu ay ahaayeen kuwa la aamisan yahay inay xiriir leeyihiin sida uu qabo Booliiska wadankaasi.

Ninka weerarka toogashada jasiirada ka geystey wuxuu ku labisnaa dareyska ciidamada booliiska wuxuu soo galey goobtii ay ku sugnaayeen dhalinyarada isagoo ku hubaysan qori & baastoolad ka dibna rasaas aan loo aabo yeelin ayuu ku harqiyey cid kasta oo ka soo horbaxda & qof kasta oo isha saaro, ninka ayaa la sheegay in uu watey baabuur cad oo ah nooca loo yaqaan Van, waxaa la soo sheegayaa in booliisku ay qabteen inkastoo la dhaawacay xiligii la qabanayey, ninku waa Norwegein waana cadaan baaris ayaa lagu hayaa.

Guriga la weeraray waxaa xafiis ku lahaa Ra’isalwasaaraha wadankaasi Jens Stoltenberg laakiin maanta fasax ayey aheyd oo gurigiisa ayuu ku shaqeysaneyey Ra’isalwasaaruhu waxaa kaloo halkaasi xafiis ku leh wasiirka cadaalada ahna wasiirka Booliiska.

Golaha muslimiinta Norway way cambaareeyeen weerarkaasi cid kasta oo ka dambeysay, sida uu sheegay xoghayaha guud ee golahaasi Mehtab Afsar oo saxaafada la hadley.

DAAWO SAWIRADII UGU DAMBEEYEY