Wiilkii ugu saameynta badnaa awlaada Col. Qadaafigii maanta la diley Saif al-Islam Gaddafi ayaa goor dhaweyd lagu qabtey magaalada Sirta ee dalka Liibiya isagoo dhaawac ah.

Saif al-Islam ayaa dhaawac ka qaba lugta waxaana lagu qabtey Isbitaal lagu dabiibayey dhaawaciisa iyadoo qabashadiisu ay ku soo aadayso saacado uun ka dib markii la diley Aabihiis iyo walaalkiis Mo’tassim Gaddafi.

Col. Qadaafi iyo wiilashiisa ayaa ka dagaalamayey magaalada Sirta oo aheyd goobtii ugu dambeysay ee ay ku sugnaayeen xoogaga Qadaafi taabacsan, waxaana qabashadiisa ay noqonaysaa in ay meesha ka baxdey guud ahaan xukuumadii Qadaafi iyo intii difaacaysay.

Wasiirka cadaalada ee golaha qaranka KMG Liibiya Mohammad al-Alagiayaa goor dhaweyd u sheegay wakaalada wararka ee AP qabashada  Saif al-Islam isagoo xusey in ay hada uu yahay maxbuus.

Saif al-Islam ayaa isaga iyo Aabihiisii geeriyoodey waxaa horey maxkamada dambiyada dagaalka ee caalamiga ah ay u soo saartey go’aan ay ku dalbanayso in la soo qabto iyadoo loo cuskanayo wax loogu yeeray dambiyo ka dhan ah aadamiga oo ay ka geysteen Liibiya.

SBC News Desk