Hogaamiyihii Liibiya ee baxsadka ahaa Col. Muammar Gaddafi ayaa la xaqiijiyey in uu geeriyoodey isagoo ku dhintey israsaaseyn dagaal oo ka dhacdey magaalada Sirta.

Col. Qadaafi ayaa la xaqiijiyey in uu ku geeriyoodey magaalada Sirta oo ah halkii uu ku dhashay iyadoo halkaasi ay ka socdeen todobaadyadii la soo dhaafay dagaalo ba’an oo u dhaxeeyey kooxaha daacada u ah iyo mucaaradka Qadaafi diidka ah.

Warar ayaa sheegaya in Col Gaddafi lagu qabtey dhaawac  balse ma jiraan cid madaxbanaan oo xaqiijinaysa warkaasi.

Askarigii qabtey Col. Qadaafi ayaa us heegay saxaafada in markii uu qabanayey Col. Qadaafi uu ku cabaadayey “Ha I dilin, ha dilin, ha i xabadeyn”.

Laakiin sarkaal sare oo kale oo ka tirsan golaha NTC oo lagu magacaabo Mohamed Leith ayaa u sheegay wakaalada wararka AFP in Col Gaddafi uu qabo dhaawac culus isla markaana lagu qaaday Ambulance, balse mar dambe uu geeriyoodey.

Magaalada Sirta ee lagu qabtey Col. Qadaafi waxay u jirtaa magaalada Tripoli ee caasimada Liibiya dhanka bariga 360 KM.

Dabaaldegyo ka socda Tripoli iyo magaalooyinka kale ee wadanka Liibiya

Magaalooyinka waa weyn ee dalka Liibiya ayaa waxaa ka soconaya dabaaldegyo waa weyn oo ku aadan dhimashada & qabashada Col. Qadaafi.

Kala soco SBC wararkii ugu dambeeyey xaalada Qadaafi.