Sheekh Yuusuf Ciise Kaba kutukeda oo ah wakiilka Kooxda Al-Shabaab ee gobolka Galguduud ayaa wareysi uu bixiyey wuxuu ku beeniyey in waxyeelo ka soo gaartey qarax maanta ay sheegatay in kooxda Ahlu Sunna Waljameeca ay la beegsatey.

Yuusuf Kaba kutukade oo wareysi siisayey mid ka mid ah Idaacadaha taageera xoogaga Shabaabka ee Muqdisho ka dhisan ayaa wuxuu ku sheegay in ay yihiin warar aan jirin in dhimasho ama dhaawac ka soo gaarey qaraxaasi, isagoo ku tilmaamay hadaladaasi kuwa ay faafiyeen waa sida hadalka uu u dhigaye’e mushrikiin, waxaase uu sheegay in uu jeclaan lahaa in uu shahiido sida uu sheegay.


Hadalka Sheekh Yuusuf Kaba Kutukade Link hoose ka dhageyso.Halkan ka dhageyso

Axmed Aar
SBC Muqdisho