Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa looga hadley warar mudooyinkan soo baxayey oo ku aadanaa wadahadalo dhexmarey Puntland & kooxo maleeshiyo ah oo kula dagaalamay buuraleyda Galgala ee gobolka Bari.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Puntland waxaa lagu xaqiijiyey jiritaanka wadahadalo dawladu la gashay sida war saxaafadeedka lagu xusey dadka deegaanka Galgalka ee Calmadow, kuwaasi oo dhexmarey saraakiil ka tirsan maamulka Puntland & wakiilo ka socdey dadka deegaanka.

Warka waxaa lagu xaqiijiyey in wadahadaladaasi dhexmarey saraakiisha Puntland & dadka deegaanka ay ka dhaceen tuulada Af-Urur oo ka tirsan gobolka Sanaag 21-kii July 2011, waxaana ujeedada wadaxaajoodkaasi lagu sheegay laba arimood.

1: In dadka deegaanka oo sida warsaxaafadeedka lagu sheegay ay marin habaabiyeen “propagonada argagixisada Al-Shabaab” laga dhaadhiciyo inay ka weecdaan dagaalka ay kula jiraan dawlada & colaada hubaysan.

2: In la muujiyo ama la tilmaamo udub dhexaadka “nabaddiidka aragagixisada ah” sida warsaxaafadeedka lagu sheegay.

Warsaxaafadeedka waxaa lagu sheegay in wadaxaajoodkaasi aanay qayb ka aheyn, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka

1: Argagixisada la doon doonayo.

2: Dilayaasha la aqoonsan yahay

3: Maleeshiyaadka uga yimid (aan u dhalan) Puntland si ay u carqaladayeen Puntland.

Wadahadalka ayaa sida lagu cadeeyey warsaxaafadeedka waxaa la sheegay in laga gaaray horumar & isfaham iyadoo dadka deegaanku ay muujiyeen sida ay ugu diyaarka yihiin ayna u balanqaadayaan inay joojiyaan in waa sida hadalka loo yiriye “Argagixisadu aanay u qoran dhalinyarada deegaanka”.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay dawlada waxaa lagu cadeeyey in iyadoo talaabooyinkaasi ka duulayso ay siideysay 8 nin oo lagu tuhunsanaa inay ku lug leeyihiin Al-Shabaabka, iyadoo warsaxaafadeedka lagu xusey in dhamaan ragaasi midkoodna aanu ku eedeyn dil in uu geystey.

Warsaxaafadeedka waxaa si buuxda loogu cadeeyey in aanu isbadalin oo uu halkiisii yahay sharciga Puntland ee la dagaalanka argagixisada & burcad badeeda, waxaana warka lagu sheegay in dawlada Puntland ay ka biyo diidsan tahay waa sida  warsafaxaadeedka lagu xusay’e  mala awaalka qaar ka mid ah saxaafada taasi oo waa sida warsaxaafadeedka lagu yiriye aqoondari ama arimo siyaasadeed u baahiyey in maxkamada dambiyada sare loo baab’iyey wadahadalada socda awgood (Colaada Galgala).

Ugu dambeyntii warsaxaafadeedkan oo SBC ka soo gaarey xafiiska warfaafinta ee madaxtooyada Puntland waxaa kale oo lagu cadeeyey in golihii garsoorka ee maxkamada dambiyada sare ee Puntland ee lagu dhafey garsoorayaasha maxkamadaha caadiga ee Puntland ay tahay codsi ka yimid Baarlamanka Puntland isla markaana ka soo horjeeday dastuurka Puntland.

Warsaxaafadeedkan ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa ku soo aadayaa iyadoo mudooyinkii ugu dambeeyey la hadal hayey wadaxaajood u socdey dawlada Puntland & koox uu horseed ka yahay Sh. Maxamed Siciid Atam oo dagaalo dhimasho & dhaawac sababay kula galay ciidamada Puntland deegaano ka tirsan Buuraleyda Galgala ee gobolka Bari.

Link hoose ka akhriso warsaxaafadeedka oo English ah.

Halkan ka akhri

Faafinta SBC International:
Source: Xafiiska warfaafinta madaxtooyada Puntland

Ku soo qor fikrikaaga wadaxaajoodkan qaybta hoose een fikradaha