Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland waxaa lagu soo bandhigay Ajaanib si sharci daro ah uga Kalluumeysanaayay Xeebaha gobolka Jubbada Hoose.

Sideed ka mid ah ajaaniibtan, ayaa waxay u dhasheen dalka Pakistan, halka labada kalana ay u dhasheen Iran sida ay shaaciyeen Ciidamada Ammaanka Jubbaland.

 

Howlgal ka dhacay Xeebaha degaanka Kudhaa ayaa lagu soo qabtay raggaan.

Jubbaland waxa ay sheegtay in ay dhawaan Sharciga horkeeni doonto raggaasi.

Guddoomiyaha degmada Badhaadhe Maxamuud Fanax oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in raggan ay mudo afar bilood ah si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen xeebaha gobolka Jubbada hoose, maanta ay soo qabteen kadib markii ay doon la soo caarisay.

 

Raggan ayaa Ugu Danbeyna lagu wareejiyay ciidamada booliska dowlad goboleedka Jubba waxana taliyaha   booliska gobolka Jubbada hoose uu sheegay in  lagu qaadi dono danbiga ay galeen ciqaabtiisa.