Dawlada Jibuuti ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadii ay ugu talagashay inay u soo dirto Soomaaliya ay diyaar yihiin kuwaasi oo la filayo inay Magaalada Muqdisho soo gaaraan todobaadyada fooda inagu soo haya.

Ciidamadan oo tiradoodu lagu sheegay 900 oo askari waxaa diyaarintooda mudo ay ka socotey dalka Jibuuti iyadoo tababar gaar ah la siiyey ciidamada halka sidoo kale qalabkii ay ku hawlgali lahaayeen loo dhameystiray.

Ciidamadan oo qayb ka noqon doona hawlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya ee lagu magacaabo AMISOM ayaa imaanshahoodu wuxuu ku soo aadayaa iyadoo saraakiisha AMISOM ee Muqdisho ay dhawaan codsadeen kumaan kun oo ciidamo dheeraad ah.

Shirkii madaxda Afrikaanka ee dhawaan ka dhacay magaalada Adis Ababa ee caasimada Itoobiya ayaa lagu go’aaimiyey in ciidamo dheeraad ah loo diro Soomaaliya.

Fartuun Cali Axmed
SBC International Jibuuti