Madaxweyne kuxigeenka Puntland Gen. Cabdi-samad Cali Shire ayaa soo cusboonaysiiyey baaqa ka imaanayada madaxda sar sar ee Puntland ee ku aadan inay isa soo dhiibaan oo ay hubka dhigaan maleeshiiyaadka daacada u ah wadaadka lagu magacaabo Sheekh Atam eek u jira Buuraleyda Galgala ee gobolka Bari, halkaasi oo ay dagaalo kula galeen ciidamada Puntland.

Isagoo ka hadlayey magaalada Garoowe ayuu wuxuu sheegay in loo baahan yahay in ay ka faa’ideystaan cafiska madaxweynaha ee ah inay isa soo dhiibaan dhalinyaradaasi.

Hadaba Link/Player audio hoose ka dhageyso madaxweyne kuxigeenka oo ka hadlaya halka ka soo kala jeedaan dhalinyaradaasi & baaqa cafiska ah ee uu loo jieedinayo.
Halkan ka dhageyso

Yuusuf Maxamed Maxamuud
SBC International Garoowe