Muran & isqabqabsi baaxad weyn ayaa ka taagan wadanka Malta ka dib markii dhawaan qolyaha furiinka u ololeeya ay ku guuleysteen codbixin dadka wadankaasi u codeeyaan in la sharciyeeyo furiinka oo wadankaasi gabi ahaanba mamnuuca ka ahaa.

Koox si gaar ah ugu ololeynsay furiinka ayaa ku guuleystey afti laga qaaday dadka wadankaasi taasi oo 54% dadku ay u codeeyaan in la is furi karo oo la jabiyo xeerkii wadankaasi ka jirey ee furiin diidka.

Ra’isalwasaaraha wadanka Malta Lawrence Gonzi oo isagu qudhiisu ka mid ahaa dadka diidan in la is furo oo sharcigaasi jabintiisa ka soo horjeeday isla markaana codbixintii la qaaday “Maya” ku codeeyeen ayaa shaley shaaca ka qaaday in sharciga loo codeeyey uu dhaqan galayo marka uu ansixiyo baarlamanka wadankaasi iyo Kaniisadaha wadankaasi xaga diinta maamula.

Baadiriyiinta waa weyn ee dalkaasi ee diinta Catholic-ga oo uu hogaaminayo baadite  Mgr Paul Cremona ayaa dadkii codbixinta dhiibtey ku sifeeyey kuwa shaydaan qaaday, isagoo sheegay inay ka shaqeeyeen sidii dalkaasi dhaqankiisa & caadadiisa furiin mamnuuca ay ka door bidaan inay ka tagaan, isagoo taasi ku macneeyey inay tahay dhibaato xoogan oo soo food saaraysa qoysaska gaar ahaan caruurta.

Hogaamiyaha kooxda u doodaysa in la is furi karo Jeffrey Pullicino Orlando isla markaana xubin ka ah Baarlamanka wadanakasi xubina ka ah xisbiga Nationalist party ee awooda hogaaminta haya wadankaasi ayaa ku tilmaamay go’aanka dadku ku codeeyeen in la is furi karo uu yahay mid taariikhi ah oo dalka Malta mugdiga ka saaraya oo diinta & dawlada la kala saarayo.

Laakiin Baarlamanka wadankaasi ayaa hakad galiyey dhaqan galinta go’aankaasi oo ka dhigi lahaa wadanka Malta wadanka kaliye ee qaarada Yurub ka tirsan ee uu ka jiro sharciga diidaya in la is furo, wuxuuna aduunka ka noqon lahaa wadanka Labaad marka laga tago Filipiin oo ka tirsan qaarada Aasiya.

Sanadkii 1995-tii Jamhuuriyada Ireland oo ka tirsan Yurub ayaa jabisay xeerkii furiinka mamnuucayey, sidoo kale Chili oo ka tirsan qaarada Latin Ameerika ayaa iyaduna sanakdii 2004-tii meesha ka saartey shuruucdii furiinka diiday.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@gmail.com