Berlin:-Wasiirka ganacsiga xukuumadda jarmalka ninka lagu magacaabo Philippe Roslar ayaa balan qaaday in xukuumadiisu ay gacan ka geesanayso dhisitaanka suuq awood u leh tartanka dhinacyada tamarta iyo isgaarsiinta dalka giriiga.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen Roslar iyo dhigiisa dalka giriiga ayaa uu sheegay in xukuumadda Jarmalku ay siin doonto kaalmo si loogu googol xaaro dhisitaanka suuq awood u leh ka qeyb galka tartanka ganacsiga.

Roslar oo madax ka ah xisbiga dimuqaraadiga xorta ee wadaaga la ah isbahaysiga talada haya ayaa ku nuuxnuuxsaday in xukuumadda jarmalka ay ka go’antahay xalinta mushaakilaadka dhaqaale ee dalka giriiga.

Sidoo kale Roslar waxa uu ku celiyey baahida loo qabo in xukuumadda giriiga ay xubin ka sii ahaato waxa loo yaqaan Euro Zone .

Ustaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International Monitoring