Berlin:-mucaacaaradka Jarmalka ayaa cambaareeyey warbxino ay soo daabaceen wargeysyada dalkaas oo ku aadan in xukuumadda jarmalka ay ka iibisay 200 oo dabaabadaha dagaalka ah dalka Sucuudiga, xilli uu daafacay wasiirka arrimaha dalkaas qaraarka uu dalkiisu qaatay iyadoo la fiiranyo siyaasadda ganacsiga iyo dhaqaalaha.

Xoghayaha guud ee xisbiga hanti wadaaga dimuqaraadiga kudhisan haweenayda lagu magcaabo Andariya Naaleys oo ka hadleysay heshiiska xukuumadda jarmalka iyo sucuudiga ay kala saxiixdeen ayaa sheegtay in arrintani ay tahay mid xadgudub ku ah siyaasada arrimo dibadeed ee dalka Jarmalka.

Wargeyska Dir Shubaygal ee ka soo baxa magaalada Berlin ayaa qoray in golaha amaanka federaalka jarmalka oo ka kooban Angel Markel iyo qaar kamid ah wasiirada ay ogolaadeen in boqolaal dabaabadood laga iibiyo dowladda sucuudiga.

Dhinaca kale mas’uul Sucuudiyaan ah ayaa u xaqiijiyey wakaaladda wararka ee Reuters warka ku aadan hubka dowladda jarmalka ay ka iibisay dalkiisa, mas’uulka ayaa tibaaxay in boqortooyada sucuudigu ay soo iibsatay 44 dabaabadooda marxaladda koowaad oo kamid ah heshiis dhan 200 oo dabaabadood oo uu maamulka sucuudigu la soo wareegi doono bilaha soo socdo.

Xukuumadda Jarmalka ayaa mar sii horeysay ka gaabsatay in ay faallo ka bixiso warbixinta uu qoray wargeyska , waxayna ku gaabsatay in golaha amaanka federaalka uu kulan qarsoodi ah ka leeyahay arrintaa.

Ustaad C/Xakiim Maxamed Cumar
SBC International Monitoring