Tan iyo markii ay dagaalada u dhexeeya beelaha walaalaha ee wadada dega gobolka bari ayaa waxaa soo baxayay baaqyo isdaba joog ah oo ay dirayaan dadka qurba joogta ah ee reer puntland kuwaas oo si wayn uga danqanaya dagaal sokeeye oo haatan ka dilaaca puntland waxayna sheegeen in ay si aad ah uga xunyihiin arintaasi .

Jaaliyada reer puntland ee ku nool dalkani kenya ayaa xafiiska SBC ay ku leedahay dalkani waxay soo gaarsiiyeen baaq ay u jeedinayaan beelaha walaalaha ah ee xurguftu ay dhex martay waxayna shegeen hadii ay yihiin qurba jogta in ay aad uga naxeen markii ay maqleen dagaalka foosha xun ee dhexmaray beelaha walaalaha ah ee Muuse saleebaan iyo Cali saleen waxayna ugu baaqeen in labada beelood ay joojiyaan dagaalka oo ay wada fariistaan gogosha wadahadalka si meesha looga saaro wax walba oo keeni kara dagaal iyo isnacayb dhex mara labada beelood.

Maxed Cali Xaaji oo loo yaqaan MP waa gudoomiyaha jaaliyada reer puntland ee ku nool dalka kenya waxana uu baaqan ku sheegay ka jaaliyad ahaan in ay ka xunyihiin dagaal sokeeye ee dhex mara beelo walaala ah ee isku degaan ah oo aan jirin xiligan wax ka dhexeeya oo ay isku dagaalaan waxuuna ugu baaqay waxgaradka labada beelood in ay dagaalka ku joojiyaan si shuruud la’aan ah oo ay meesha ka saaran dhebka soo kala gaarayaan labbada beelood .

Gudoomiayaha ayaa sidoo kale waxa uu ugu baaqay madaxdka punland ee uu ugu horeeyo madaxweynuhu in ay u istaagaan sidii ay u dhamayn la haayeen xiisadahan ba’an ee sii daba dheeraanaya ,waxayna ugu baaqeen madaxda puntland in ay iyagu tagaan goobaha colaaduhu ka jiraan oo ay iyagu soo kormeeraan sida ay wax u dhceen intii ay udiri la haayeen ciidamo aan ku sii nagaanayn goobaha loo diray .

Baaqan ay dirayaan jaaliyada puntland ee kenya ayaa ku soo aadmaya xili dagaalo khasaare ba’an gaystay ay deegano kamid ah gobolka karkar ay ku dhexmarayaan beelo ood wadaag ah oo aan jirin wax sa u siibiiran oo ka dhexeeya .

Xasan Cabdi Farey Gentleman
SBC International Nairobi