Madaxaweynaha dalka K. Afrika, Jacob Zuma ayaa xilkii madaxtinmo ee dalkaasi iska casiley kadib buuq maalmihii dhowaa hareeyey xukunkiisa. Madaxweyne Zuma ayaa loo soo jeediyey eedo musuqmaasuq, eedahaas oo ka imanayey badi xubnaha xisbigiisa.

Madaxweynaha oo markii hore baaqyadan ka dhago adeygayey ayaa ugu dambeyn TV ka sheegay in xilkii madaxtinimo ee K. Afrika uu ka degay.

Zuma, ayaa xilka iska casilay kaddib maalmo uu haystay caddaadis ballaaran oo uga imanayay xubnaha xisbigiisa ANC.

Goor sii horraysay xisbiga ANC ayaa Zuma u sheegay inuu xilka banneeyo haddii kale uu wajahi doono in baarlamaanka uu maalinta Khamiista ah u qaado in lagala laabto codka kalsoonida.

75-jirkan ayaa waxaa saarnaa caddaadis ballaaran oo ah inuu xilka ku wareejiyo Madaxweyne ku xigeenka Cyril Ramaphosa, kaas oo ah hogaamiyaha cusub ee xisbiga ANC-da.

Jacob Zuma ayaa xilka Madaxweynaha Koonfur Afrika soo hayay tan iyo 2009, waxa uuna wajahayaa eedo dhowr ah oo musuq maasuq.

Iscasilaaddiisa ayaa waxa uu Zuma ku soo beegay dhammaadka khudbad dheer oo uu ku sheegay inuu aad uga soo horjeedo qaabka xisbiga ANC isaga ula dhaqmay.