Hayada Laanqeyrta Cas ee Dalka Colombia ayaa sheegtay in weerar isqarxin ah oo lagu soo qaaday Saldhig booliis oo ku yaala Magaalo Lagu magacaabo Tumaco uu sababay khasaare dhimasho oo garaya 7 qof iyo dhawaaca 70 kale.

Wararka laga helayo Goobta saldhiga ciidamada ah ee weerarka lagu qaaday ayaa ku waramaya in mooto lagu soo rakibay waxyaabaha qarxa lagu qarxiyay saldhig ciidan oo ku yaala koonfurta Magaalada Tumaco ee Wadanka Colombia

Saraakiisha Dowlada Colombia ayaa rumeysan in weerarkan ay soo qaadeen Kooxda dowlada ka soo horjeeda ee la yiraahdo Farc kuwaasi oo dagaalo dhowr jeer ku qaaday ciidamada amaanka ee Dalkaasi

Weerarkan ugu danbeeyay ee lagu qaaday saldhiga Booliiska ee ku yaala wadanka Colombiya ayaa la damacsanaa in lagu khaarajiyo Sarkaalka ugu sareeya Booliiska Deegaanka inkasta oo uu ka badbaaday weerarkas.

Magaalada Qaraxa uu ka dhacay ee Tumaco ayaa ka mid ah magaalooyinka uu amaankoodu aadka u xun yahay ee wadanka Colombia waxaana ku badan kooxaha gang’ska ee ka ganacsada Daroogada waxaana ay ka mid tahay goobaha sida aadka looga dhoofiyo Daroogada.

Ma jirto wax war rasmi ah oo ka soo baxay Jabhada Farc oo ku aadan inay ka danbeeyeen weerarkan khasaaraha Dhimasho.

Keyse C/rashiid Cismaan 
SBC International Monitoring