Jaamacadda Bariga Afrika oo xarun ka furatay magaalada Qardho+Sawiro

Xaflad lagu shaacinayey Midowga labada Jaamacadood ee Jaamacadii  Bariga Somalia iyo Jaamacadda Bariga Afrika ayaa waxaa ay ka dhacday  Magaalada Qardho,waxaana xafladaani ka soo qeybgalay Maamulka Degmada  Qardho,Madaxa Bordka Jaamacadda Bariga Afrika,Maamula kuxigeynka  Jaamacadda Bariga Afrika,Maamulayaashii Jaamacaddii Bariga  Somaliiya,Culama’udiinka magaalada  Qardho,Aqoonyahano,Nabadoono,Ganacsato,Macalimiinta Jaamacadda,ardayda  waxkabarata Jaamacadda iyo Marti sharaf kale oo aad u farabadan.

Xafladanaani oo si rasmi ah loogu shaaciyey in Jaamacadii Bariga  Somaliya oo aheyd Jaamacadii ugu horeysay ee laga hirgaliyey magaalada  Qardho ayaa waxa ay ku biirtay Jaamacadda Bariga Afrika oo ah  Jaamacadii ugu horeysay ee laga furay Deegaanada Puntland,wada hadal  iyo kulamo gooni gooni ah oo socday muddo badan ayaa maamulayaasha  labada Jaamacadood waxa ay isla garteen in Jaamacadii Bariga Somalia ay ka midnoqoto Jaamacadda Bariga Afrika,waxaana si rasmi ah loo  cadeeyey in Jaamacadda Bariga afrika ay magaalada Qardho ka furatay  Farac ka mid ah faracyadeeda ku yaalo Deegaanada Puntalnd,waxaana hishiishkaan uu ahaa mid labada dhinac ay si weyn iskula garteen in la qaato magaca Jaamacadda Bariga Afrika,iyadoo aqoonyahanadii ka hadalay  xafladaani ay soo dhaweenayaan midowga labada jaamacadood.

Maamulihii Jaamacaddii Bariga Somalia oo haatan ku biirtay Jaamacadda  Bariga Afrika Al-ustaad Cali Maxamed Cali oo ka hadalay Xafladaani  ayaa sheegay,in wada hadal kadib la isku raacay in jaamacadda Bariga  Afrika magaceeda la qaato,maadaama duruufo badan ay soo wajaheen  jaamacaddii Bariga Somalia taas oo keentay in lagama maarmaan ay  noqotay in lagu biiro jaamacaddasi,inkastoo Jaamacadda Bariga Afrika  ay si weyn u dooneysay sidii mar uun ula wareegi laheyd Jaamacaddii  Bariga Somalia  ayaa suura gashsy in labada dhinac ay isla qaateen talaabadasi.

Maxada Bordka jaamacadda Bariga Afrika Shiikh Yuusuf C/casiis oo ka  hadalay Munaasabdaani ayaa sheegay in Markii ugu horeysay ee la isku  dayey in lafuro Jaamacadda Bariga Afrika la isla gartay in laga furo  magaalada Qardho laakiin duruufo badan oo waagaas soo wajahay ayaa suuragalinwaayey in Qardho laga furo Jaamacaddaasi,laakiin waxa uu sheegay in maanta magaaladii Tacliinta Qardho uu aad ugu faraxsanyahay in Jaamacadda bariga Afrika ay farax ka furato,waxa uu ka hadalay Sidii lagu aas aasay Jaamacadda Bariga Afrika iyo Marxaladihii ay soo martay,waxa uuna rajeeyey in maanta ay gaareen himiladooda ku aadaneyd in mar uun Magaalada Qardho ay Jaamacadda bariga afrika ka furato farax ka mid ah faraxyadeeda ku yaalo Puntland,Shiikh Yuusuf C/casiis  Madaxa Bordka Jaamacadda Bariga afrika ayaa Baaq u diray Ganacsatada iyo dadka hantida heysta in ay taageeraan goobaha waxbarashada xitaa sakawaadka ay bixinayaan in ay siiyaan maadaama culumo badan ay fidyoodeen in ay banaantahay in sakawaadka la siinkaro goobaha ama maraakista waxbarashada.

Maamula kuxigeynka Jaamacadda Bariga Afrika Dr. C/qaadir Siciid Cali oo khudbad dheer ka jeediye Xafladii lagu shaacinaayey Midowga labada  Jaamacadood ayaa soo dhaweeyey in Jaamacadda bariga Afrika ay farax ka furato magaalada Qardho oo ku tilmaamay in ay tahay Manbaca waxbarasdha Puntland,Gudoomiye Xigeynka ayaa si weyn ugu hadlay taariikhda waxbarasho ay leedahay Qardho, waxa uu mahadcelin u jeediyey aas aasayaashii dhidibada u taagay Jaamacaddii Bariga afrika oo si weyn u amaanay dadaalka iyo talaabooyinka ay u qadeen  hirgalinta jaamacddaani,waxa uu si gaar ah u xusay Prof.Axmed Maxamed Barre oo macalina ka haa Jaamacadda Bariga Afrika,Sakariye Maxamuud Ciise,waxa uuna ku tilmaamay in ay u istaageen sidii magaalada Qardho ay u yeelanlaheyd waxbarashdo heerjaamacadeed.

Gudoomiye ku xigeynka Duqa Degmada Qardho C/risaaq Cali Cartayoo ka  hadalay Xafladaani ayaa soo dhaweeyey in Jaamacadda bariga Afrika ay farac ka furato magaalada Qardho,waxa uuna u rajeeyey in uu illaay la garabgalo dadaaka ay madaxda Jaamacadda bariga afrika ay wadaan.

Xafladaani ayaa sidoo kale waxaa ka hadalay C/qaadir Yaasiin,Shiikh Fu’aad Xaaji Maxamuud Nuur,Prof.Axmed Faarax yare,waxaana midowga labadana jaamacdood soo dhaweeyey ardaydii wax ka baranjirtay Jaamacddii Bariga Somalia,waxa ayna xafladaani ku soo dhaaamtay Jawi aad u heersareeyo.

Sawiro
















Xasan Cabdi Farey Gentleman
SBC International Qardho

Daalacatey :826

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print