Jaamacada Puntlad State Universty bsu ayaa maanta u dabaal dagtay sanad guurada ka soo kasoo wareegtay markii la aasaasay ururka jaamacda Africa ay ku midaysanyihiin oo ay iyadanu xubin ka tahay .

Munaasabad lagu maamusayey dabaal dagaasi oo lagu qabtay xarunta jaamacada PSU ee magaalada Garawe ayaa waxaa ka qayb galay madaxda iyo maamulka jaamacda, ardayda wax ka barta jaamacda ,iyo marti sharaf kale oo lagu casumay

Intii munaasabadaasi lagu guda jiray waxaa lagu soo bandhigay khudbado kala duwan oo laga hadlayey jaamacada iyo heerka ay soo martay gudoomiyaha jaamacda Puntland State Unversty Maxamud Sheikh Xaamid ayaa sharaxaad ka bixiyey waxa ay maanta u dabaal dagayaan iyo xiliga ay ku biireen ururka ay ku midaysanyihiin jaamacda Africa.

Waxa uu sheegay 265 jamacadood oo kula yaala dhamaan dalalka Africa ay ku midaysanyihiin uruurka maanta loo dabaal dagayo asaaskiisa islamarkaan ay jaamacada uu gudoomiyaha ka yahay PSU ay ku biirtay sanadii 2010 isla markaan xubinimada ay ururka jaamacadaha Africa ay ka heleen ay muhiim utahay jamacada iyagoona isdhaafsan doona macluumaad muhiim ah jaamacadaha oo idil.

Inta badan dadkii khudbadaha ka jeediyey munaasabada ayaa jaamacda ku amaanay hormarka ay ku tilaabsatay mudadii ay jirtay jaamacada iyadoona iyagoona sheegay ay soo saartay jaamacadu dad aqoonleh oo hada ka shaqeeya dalka isla marakaan looga kaaftoomay waxbarasho badan oo dalka dibadiisa loo aadi jiray.

DAAWO SAWIRADA




 

 


Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe