Heshiiska Labada Jaamacadood ayaa ka Dhacay Hoolka Jaamacadda PSU Waxaana kazoo Qaybgalay Masuuliyiin kasocotay Golayaasha Dowladda Puntland ,Aqoonyahano,Haween,Arday,Barayaal Jamacadeed,Madaxda Hay,adaha Caalamiga iyo Kuwo Maxali ah ee ku sugan magaalda Garoowe.

Waxaana Halkaas ugu Horeyn ka Hadlay Gudoomiyaha Jaamacadda PSU Maxamuud Shiikh Xaamid waxaana uu sharaxay ujeedada Heshiiska Labada Jaamacadood oo uu sheegay in ay faa’iido wayni ugu jirta bahawaynta waxbarashada jecel iyo guud ahaanba deegaadada Puntland .
·         in ay ay Qodobada ka Midyihiin in Darajadda Labaad ee Jamacadeed ay Bixindoonto jamacadda kanpala
·         in Jamacadda Kanpala Soo Dirayso Sanadkii 2 jeer Macalimiin Halkaan Casharo  ka Bixiya
·         In ay Jamacadda Kanpala ay u Qareento Jamacadda kale ee PSU si ay xubin uga Noqoto Ururada kale ee Jamacadaha Caalamiga
·         In ay u Raadiso Deeqo Waxbarasho ee Heerarka Sare ee Jamacadeed
·         Jamacadda PSU waxay ayaa Doorkeedu Noqondoonaa Maamulka & Adeegyada Waxyalaha Maxaliga ah ee Loo Bahandoono.
Prof.Maxamed Adula oo ah kuxigeenka Gudoomiyaha Jamacadda Kanpala International University{KIU} ayaa isna Qaatay Hadalka Waxaana uu ka Warbixiyey Jamacadda uu ka socdo  iyo adeegyada Waxbarasho ee ay Qabato Sida
·         Kuliyadaha ay Bixiso Jamacada Caalamiga ah ee Kanpala
·         Nidaamka  & Shuruucda Jamacadda
·         Wadamada ay Xarumaha ku leedahay
·         Iyo guud ahaanab kulliyadaha kala gadisan ee ay jaamacada KIU bixiso.
 
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Maxamuud Idiris   ayaa uga Hanbalyeyey Labada Jamacadood sida Wanaagsan ee ay u Mataanoobeen iyo Xiriirka Cilmi isweydaarsi ee Dhexmaraya,sheegayna inay soo dhawaynayaan cid kasta oo puntland ka acaawinaysa horumarinta iyo kor u qaadida waxbarashada ,isagoona sidoo kale ka sheekeeyay waxqabadka wasaarada waxbarashada Puntland .
Idiris Waxaa uu ka Dhawaajiyey in ay Soo Dhaweynayso Wasaraada Waxbarashadu Gacana kusiindoonto Horumarinta Waxbarashada oo uu sheegay in loo sameeyey Waaxda Tacliinta Sare Wasaaradiisa Taas oo Qaabilsan Lasocoshada Howlaha Culuumta Sare ee Puntland.

Masuuliyiin kala Duwan ayaa Musaabada ka Hadashay kuwaas oo dhammaantood aad usoo Dhaweeyey Xiriirka & Bahwadaagnimada ay Wada Galeen Labada Jaamacadeed ee PSU & KIU sheegayna inay ka qayb qaadanayso horumarinta wadanka ee dhanka waxbarashada .

Baashi C/laahi Maxamuud Aw-Cismaan ayaa isna ku Booriyey Masuuliyiinta Labada Jaamacadood in Xoojiyaan Wadashaqaynta kana wada qayb qaataan sidii ay iga kaa shan lahaayeen isdhex galka labada bulsho gaar ahaan bahda waxbarashada jecel.

Heshiiska labada jaamacadood ayaa ku soo aadaya iyadoo muddooyinkii danbe waday jaamcada PSU {Puntland State University } xiirarada ay la yeelanayso jaamacadaha iyo ururada caalamiga ah ee dhanka waxbarashada waxaana ugu danbaysay xubin ka noqoshada jaamacad ay ku midaysanyihiin wadamda qaarada Africa taasi oo ay PSUna qayb ka tahay ,waxayna arrintaani noqonaysaa mid dhiirigalinaysa waxbarashada sare ee jaamacadaha waana mid ardayda u fududaynaysa inay is dhaafsadaan macluumaadka iyo xogaha la xiriira waxbarashada labada jaamacadood.

DAAWO SAWIRADA


 Yusuf Maxamed Maxamuud {Yusuf Yare}
SBC INternational Garoowe