War ka soo baxay Baarlamaanka Jaamacada carabta ayaa loogu baaqay inay korjoogtada wadankaasi ay iskaga soo baxaan wadanka suuriya ka dib markii lagu eedeyay dowlada suuriyay inay weli wado leynta dadka rayidka ah ee lagu dilayo gudaha wadanka.

Afhayeenka Baarlamaanka jaamacada carabta Salem al-Diqbassi  ayaa sheegay in Korjoogtada dhankooda ka socota ay tahay inay ka soo baxaan isaga oo sheegay in maamulka keligii taliska ah ee wadanka suuriya uu weli wado duqeymaha loo geysanayo shacabka wadanka suuriya.

Mr Salem al-Diqbassi ayaa sheegay in tan iyo intii ay gudigooda gaareen suuriya aysan joogsan duqeymaha iyo baabi’inta loo geysnayo dadka rayidka ah kuwasi oo si dhab ah u muujinaya dareenkooda.

Jaamacada carabta ayaa gudiga ay u dirtay dalka suuriya waxaa ay halkaasi u tageen sidii ay dowlada basher al asad uga dhaadhicin lahaayeen sidii ciidamada dowlada looga soo saari lahaa deegaanada ay xiisadu ka jirto eek u yaala Wadanka suuriya.

Gudiga ka socda Jaamacada carabta ayaa tan iyo intii ay joogeen wadanka suuriya waxaa halkaasi ay dowladu ku dishay 150 qof oo ah dibad baxayaal joogay Magaalooyinka ay xiisaduhu ka jiraan wee wadankaasi

dhinaca kale dowlada suuriya ayaa tangiyada dagaalka iyo ciidamadeeda qaar ka soo saaratay Magaalooyinka qaar hase ahaatee ciidamada geysta toogashada ayaa dabaqyada dushooda waxay ka soo tooganayaan Dadka dibad baxyada ka wada Fagarayaasha waaweyn ee Suuriya.

Lama oga sida ay Jaamacada carabta uga tashandoonto aayaha wadanka suuriya hadii korjoogtada wadankaasi ay isaga soo baxaan wadanka suuriya oo uu maamulka basher u muuqdo mid dhagaha ka xirtay arimaha la xiriira joojinta duqeymaha

SBC International Monitoring