Xafladaasi oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayna ka sooq ayb galeen mas’uuliyiin ka kala socotay labada Gole ee dowlada Puntland ,Ganacsato ,ururada Haweenka ,Dhallinyarada iyo marti sharaf kale oo lagu casumay taasi oo ka dhacaday hoolka shirarka ee jaamcada Bariga Africa waxayna ahayd mid ay jaamacadu ku soo bandhigaysay faa’iidooyinka iyo ujeedooyinka loo furay machadkaani loogu magacdaray allaha u naxariistee Dr.Axmed Xaaji C/rixmaan oo ka mid ahaa aasaasayaashii jaamacada Bariga Africa.

Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ah hormuudka jaamacada Bariga Africa faraceeda Garoowe ayaa sheegay in machadkaani cusub ay u fureen sabaabo jiro awgeed iyo si ay kor ugu qaadaan waxbarashada heerarkeeda kala duwan fursadna la siiyo cid kasta oo waxbaranaysa  .

Agaasimaha tacliinta sare ee wasarada waxbarashad aPuntladn C/laahi Cali Jaamaca {Dhubad} oo xafladaasi hadal koobanka soo jeediyay ayaa sheegay in machadkaani uu ku soo beegmat xilli fiican sidoo kala maadooyinka lagu dhiganayaayi ay yihiin kuwo loobaahna xilligaani lana jaan qaadi kara horumarka ku socda caalamka.

Gabagabadiina waxaa machadkaani sirasmia ha xariga uga jaray wasiiru dowlaha maamul wanaaga e dowlada puntland kana mid ah aradayda waxkabarata jaamacada bariga Africa Maxamed Faraax Ciise {Gaashaan} sidookala shegay inloobahanyahay in lagu daro machadka taariikhdii Dr.axmed talooyin u soo jeediyay madaxda machadkaani iyo meelaha baahiyahu ka jiraan .

Deegaanaada Puntland waxaa ku soo badanayay muddooyinkii  danbe machadyada iyo Goobaha waxbarasho ee Gaarka looleeyahay wasaarada waxbarashada ee puntlandna ay dadaal xoogan ugu jirto sidii ay u midayn lahayd waxbarashada sare oo ay qayb ka yihiin jaamacadaha iyo machadyadu .

Jaamacada bariaga Africana waa jaamacadii ugu horraysay ee laga dhiso deegaanda puntland waxaana dhidibada loo taagay sanadii 1999kii oo laga dhisay magaalda Boosaaso ee Xarunta Gobalka Bari iyadoona faracyo kuleh magaalooyinka Garoowe iyo Magaalada Gaalkacyo.

Daawo Sawirada

 

 

 

 

 

 

Yusuf Maxamed Maxamuud {Yusuf Yare}
SBC International Garoowe