Waxaa lagu soo gabagabeeyey magaalada Garoowe tababar mudo labo bilood ah ugu socday jaamacada bariga africa faraceeda Garoowe  32 araday oo baranayey habka tira koobka loo sameeyo .

Dadka ka faaidaysatay mudadii tababarku socday waxay isugu jireen shaqaalaha wasaaradaha Puntland iyo qaar kamid ah ardayda wax kabarata jaamacada bariga africa  iyadoona ay maalginayeen haayada UNFPA iyo jaamacada bariga Africa.

Gabagabadii tababarka oo shahaadooyin  lagu  gudoonsiyey ardaydii dhamaystay tababarka tirakoobka ayaa waxaa ka qayb galay masuuliyin ka socday wasaaradaha dowlada iyo degmada ,aqoonyahano ,
siciid nuur oo ka mid ahaa ardayda dhamaystay tababarka ayaa tilmaamay in ay siwayn uga faaidaysteen mudadii ay tababarka ku jireen waxaana uu xusay in ay wax wayn ka badali doonto dhanak shaqada maadaama ay barteen aqoon cusub oo tayo leh .

Xuseen bulaale oo ah agaasimaha waxaada tababarada ee wasaarada qorshaynta oo ka mid ahaa masuuliyiinta ayaa sheegay in ay muhiimtahay in shaqaalaha wasaaraha ka socday ee tababarka ka qayb galay in looga fadhiyo in ay soo bandhigaan aqoontooda marka ay ku laabtaan wasaaradaha ay ka shaqeeyaan oo ay soo saaraan xog buuxda si shaqada loo hormariyo isla markaan tababaradu horay ugu socdaan.

Duqa degmada Garoowe c/casiis nuur cilmi oo hadal dhiira galin ah ujeediyey ardayda ayaa ugu habalyeyey tababarka ay dhamaysteen isaga oo sheegay in ay wax badan ka badali doonaan habka xogta loo uruuriyo wasaaradaha ay ka shaqeeyaan iyo dhamaan dalka oo idil.

Wasiir ku xigeenka wasaarada shaqada shaaqaalaha,  dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland cismaan cawad oo shahaadoyinka gudoonsiyey ardayda ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu ka qayb galo xiritaanka tababarka oo uu sheegay in faaido  wayn ugu jirto Puntland isaga oo mahad uceliyey jaamacada bariga africa iyo haayada (nfpa)ooahayd haayada dhaqaalaha bixinaysay sidoo kale wasiirku xigeenka shaqada iyo shaqaalahu waxaa uu u mahad celiyey wasaarada qorshaynta iyo xiriirka caalimiga ah oo iyadu xiriirinaysay tababarka .

Isagoo guul ku tilmaamay sida habsamida ah ee tababarku u dhamaaday in arday intaasi leg ay bartaan habka tira koobaka loo sameeyo

Dhankale cismaan cawad waxaa uu ka codsaday haayada (UNFPA) in ay sii wado tababarada noocaan ah  iyo hadii ka dhamaaday wax ka dhimaanayeen

Tababarkan ayaa noqonaya kii sadexaad ee noociisa oo ku saabsan habka tiro koobka iyadoona ay sheegeen dhamaan masuuliyiinta xaflada ka  qayb galay uu waxbadan ka badalidoona habka shaqada wasaaradaha ee ku saabsan xog uruurinta .

DAAWO SAWIRADA

Filo sawiro badan….

C/casiis Ibraahim Ok
SBC International Garoowe