Jaaliyada reer puntland ee dalkan Kenya ayaa markii u horeysay ka hadashay dabkii khasaaraha ba’an gaystay kaasi oo ay ganacsato badan oo ku noolayd Bosaso ay  ku hanti beeleen .

Jaaliyada reer puntland ee dalkan Kenya oo la soo xiriirtay xafiiska SBC ay ku leedahay dalkani ayaa sheegay in ay ka tacsiyaynayaan khasaarihii gaaray ganacsatadii hantidoodu ay ku gubatay suuqa bosaso oo gabi ahaan bas belay .

Maamulka jaaliyada oo isku duuban ayaa sheegay in ay tahay wa laga naxo khasaaraha soo gaaray ganacsatada , waxayna ugu baaqeen ganacsatada in ay sabraan oo ay ilaahay u laabtaan .

Maxe’d Cali Xaaji (MP) oo ah gudoomiyaha jaaliyada reer Puntland ee Kenya ayaa sheegay  in ay xanuunka la wadaagaan walaalahooda hantidu kaga gubatay suuqa isagoo sheegay in arintaasi ay tahay wax laga xumaado .

Gudoomiyaha jaaliyada ayaa sheegay in hantida ku gubatay suuqa aysan lahayn cid gaar ah laakiin ay ahayd hantidii umada somaliyeed, maadaama Bosaso ay hooyo u noqotay soomali oo dhan  wixii ka dambeeyay qaran jabkii somaliya, waxana uu sheegay in khasaaraha suuqu ay saamayn doonto dhamaan umada somaliyeed .

Maxe’d Cali Xaaji (MP) ayaa ugu dambayntii waxa uu baaq xoogan u diray dawlada uu madaxdweynaha  ka yahay C/raxmaan faroole waxana uu ugu baaqay in dadka dhibtu gaartay dawladu sida ugu dhaqsabadan wax ugu qabato .

Gudoomiyaha jaaliyada ayaa sheegay in ganacsatada suuqa laga qaadi jiray lacago canshuur ah oo ay dawladu ka qaadi jirtay, waxana uu ugu baaqay dawlada in shacabka lacagaha laga qaadi jiray wax loogu qabto manta maadaama dhibtu ay haysato ganacsatadii canshuurta bixin jirtay  .

Baaqan ay dirayaan jaaliyada reer puntland ee Kenya ayaa ku soo aadaya  xili habeenimadii sabtidii uu dab qabaday suuqii ugu waynaa puntland ee Bosaso kaasi oo gaystay khasaare maaliyadeed oo aad u balaaran .

dhinaca kale. “BULSHADA SOMALIYEED EE KU NOOL KENYA OO TACSI DIRAYSA 

Golaha qurba Joogta Punltand ee dalka Kenya   ayaa ku tilmaamaya geeridii Alle ha unaxariistee Dr. Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan geeri naxdin iyo murugo leh oo ku timid shacabweynaha reer Puntland.meel kastoo ay joogaan iyagoo ilaahay uga baryay marxuumka in uu janadii fardawsa ka waraabiyo qoyskii iyo eheladii uu ka tagayna samir iyo iimaan ilaah ka siiyo .

Annaga oo ku hadlayna magaca Qurba Joogta Puntland ee Kenya  waxaan tacsi guud u dhiraynaynaa guud ahaan ummadda reer Puntland shacab iyo dowladba, waxaan si gaara tacsi ugu diraynaa eheladdii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday alle ha u naxariistee Dr; Axmed Xaaji Cabdiraxmaan.oo dhawaan gacan ka xaqdaran ay ku dishay Bosaso xili uu ka soo baxay masaajid ku yaal xaafada uu deganaa marxuumku

Qurba joogta puntland ee dalka dibadiisa gaar ahaan dalkan ayaa sheegay in bulshada reer puntland ay soo food saartay laba masiibo oo kala ah dilkii shiikha iyo gubashadii suuqa bosaso oo ay ganacsato badan  ku hanta beeleen

Xasan Cabdi Farey(Xasan Gentleman)
SBC-International Nairobi –Kenya
Gentalmansbc@gmail.com