Jaaliyada puntland ee norway (pcc) ayaa shir ay galabta iskugu yimaadayn dhamaan xubnaha jaaliyada, waxgaradka , aqoonyahanada iyo dhamaan odoyaasha reer puntland ee ku nool dalka norway ayaa waxay kusoo bandhigeen wax qabadkoodii koowaad sanadkii  2012 ilaa 2013 intii ay hayeen xilka.
 
Jaaliyada puntland ee reer norway ayadoo la tashanaysaa odoyaasheeda iyo waxgaradkeeda ka soo jeeda deegaanada reer puntland waxay si hufan iyo xilkasnimo leh uga so baxeen waxii loo idmay dadkuna ay u dhiibtayn ayagoo dhowaan geen doona  puntland buugaagta waxbarashada dugsiga sare , qalabka caafimaadka dadka walina sonkorta qaba wax looga qabanaayo iyo baabuurta curyaamiinta oo ay u suurto gashay in ay helaan mar dhowna ay gayni doonaan dhamaan magaalooyinka waa wayn ee puntland sida boosaaso ,qardho, garoowe , carmo. burtinle , hadaaftimo, tukaraq iyo gaalkacyo.
 
Sidoo kale jaaliyada waxay so bandhigtay waxay tiigsanayaan oo ay ka codsadeen dowlada norway iyadoo rajayn doonta in mar dhow hadii uu eebe idmo ay noqdaan norway iyo puntland maamulo si hufan u wada shaqeeya, sido kale jaaliyada puntland norway waxay balan qaaday sidi ay iskugu xiri lahayd iyadoo  dowlada norway mar dhow mashaariic wax ka ool ah ka qaban doonta deegaanada puntland taas oo hada hoosheeda socoto jaaliyadana ay udub dhaxaad u tahay sidii loo wada shaqayn lahaa dalkiina loo hor marin lahaa.
 
Odoyaasha iyo waxgaradka jaaliyada puntland e norway ayaa si hufan uso dhoweeyay balan qaadayna in ay ayagana ka caawin doonaan sidii loo dardar galin lahaa rajadaas fiican loona dhiiri galin lahaa dhalin yarada kasoo shaqaysay arintaan lana garab istaago wax qabadkooda.
 
Waxaa ka so qayb galay kulankaan jaaliyada puntland ee reer norway (pcc) ay qabatay  kana hadlay odayaal dhaqmeedo xilka ool ah iyo aqoon yahano ay ka mid yihiin sidaan :
 
1. Nabadoon Maxamed daahir (qaldheere)
2.Dr. Shiine cadceed
3. Nabadoon maxamed ali qood
4. Macalin faysal
5. Caaqil abdirashiid
6. Caaqil abdiqani daahir
7. Caaqil baajuun nadiif xagaa
8. Nabadoon  Cabdulaahi ciise waged
 
Sidoo kale waxaa ka hadlay dhalinyarada ugu firfircoon dalka norway oo ka soo jeediyay hadalo wax ka ool ah iyo wax tar u ah dadka reer puntland ee norway ku nool .
 
Dadwaynaha reer puntland ee norway ku nool ayaa aad usoo dhoweeyay ayagoo si farxad leh laga dheehanaayay wajiyadooda isku salaamayay kuna faraxsanaa waxqabadkooda ayagoo aad u dhiiri galinaayay sidii la iskugu xiri lahaa norway iyo puntland taas o horumar u ah deegaanada puntland ayagoo tusaale ka dhiganayay sida ay norway ay wax uga qabatay magaalada muqdisho oo leererka soolarka ku shaqeeya ay u gaysay in deegaanada puntlandna sidaas wax ay uga qabato 
 20130323_175906 pcc pcc2 pcc3 pcc4 pcc5 pcc6 pcc7
 
AFHAYEENKA JAALIYADA PUNTLAND EE NORWAY (PCC)
JAMAAL FAARAH BAADI