Iyadoo warbaahinta SBC ay soo gaarayaan dhambaalada tacsida ah ee ku aadan dilkii foosha xumaa ee magaalada Boosaaso loogu geystey ALLE ha u naxariistee Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan, ayaa dhambaalkii ugu dambeeyey wuxuu naga soo gaarey Jaaliyada Puntland Diaspora , waxaana tacsidan diraya.
Gudoomiyaha Jaaliyada Puntland Diaspora Mr Abdiweli Maxamuud Gurey
iyo afhayeenka jaaliyada PDF Mr Cabdinuur Geele iyo
Halgamaa Hirsi Haji Jamac
Abshir Muse
Suldaan Cabdulqaadir Ciise Axmed
Dr.Cabdulqaadir (Jaziira)
Dr Ciise Xaaji
Dr Cabdirisaaq Takar
Ustaad Maxamuud Diirshe
Macalin Mukhtaar Sheik Cismaan
Ismaciil Diiriye
Sakariye Maxamed ( Isticmaar )
Cabdishakuur Cali Qool
Abukar Cawaale

Waxay tacsi udirayaan dhamaan Umadda Soomaaliyeed gaar ahaan Qoyskii  iyo Eheladii Geeridii naxdinta iyo tiiraanyada badnayd ee dilkii Xaqdarada ahaa oo loogeystay Xidigii geeska Afrika Marxuum DR Sheek Axmed Xaaji Cadiraxmaan.

Taasoo Ay kutilmaameen Maalin Madow oo Soomaaliya iyo geeska afrikaba ku habsatay.

Jaaliyadu waxay baaq kulul u dirayaan dowlada iyo ciidamada amnigi inay si dhaqso ah gacan ta kusoo dhigaan gacan ku dhiiglayaashii & dhagarqabayaashii kadan baysay dilkaas foosha xun.

Waxay jaaliyadu Kaloo si Diiran kubaaqday hadii ay ciidamada  Amanigu iyo masuuliyiinta sare ee Puntland Hadii ay arinkaas Wax ka Qaban waayaan inay xillalka iska iska casilaan.

Xafiisdka Jaaliyada
PDF UK