Xukuumada Itoobiya ayaa sheegtey in dhimashada hogaamiyaha shabakada Al-Qaacida Osama Bin Ladin ay saameyn weyn  ku yeelan doonto xoogaaga Al-Shabaab ee ka dagaalamaya gudaha Soomaaliya ee dagaalka kula jira DFKMG ah.La taliyaha arimaha qaranka ee Ra’isalwasaaraha Itoobiya Tsegay Berhe oo ay soo xiganaysay xarunta wararka ee Walta Information Center ayaa sheegay in xoogaga Al-Shabaab waa sida hadalka uu u dhigaye ay u wiiqmi doonaan geerida Bin Ladin.Tsegay Berhe oo u hadley Ra’isalwasaaraha Itoobiya Meles Zinawi wuxuu sheegay waa sida hadalka uu yiriye in xarakada Shabaab ay ka heli jireen dhaqaale & taageero farsamo Al-Qaacida isla markaana ay saameyn weyn ku yeelan doonto dagaalka ay wadaan dhimashada Osama Bin Ladin sida uu sheegay.

SBCNews Desk