Is rasaaseyn ayaa habeen nimadii xalay ka dhacday Xaafada Faanoole ee magaalada Kismaayo xarunta gobolka jubada hoose.

iska hor imaadkaas oo sababay khasaare aya waxa uu dhexmaray ciidamada Amaanka Maamulka Jubaland iyo kooxo burcad ah oo xiliga iska horimaadka ku guda jiray falal burcadeysi ah.

Hal qof ayaa ku dhintay is rasaaseynta dhexmartay labada dhinac waa ciidanka Jubaland iyo kooxdaas Burcada aheyde, waxaana ku dhaawacmay tiro kale oo ay ka mid yihiin ciidamada Amaanka iyo dhinacii kale ee la dagaalamayba .

Qofka dhintay ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa shacab ka ag dhowaa goobta uu falku ka dhacay, waxaana inta ku dhaawacantay is rasaaseyntaasi la dhigay isbitalka weyn ee magaaladaas.

Xaalada amaan ee Kismaayo ayaa saaka ah mid degen