Dawlada Israel ayaa sheegtay in xiriirka ay laleedahay dawlada Maraykanka uu gabi’aanba wax isbadali uuna ku iman, inkastoo ay dawlada maraykanku lawadaagtay macluumaadkii sirta ahaa ee Daacish dawlada Ruushka.

Sida laga xiganayo warbaahinta caalamka , madaxwaynaha marayka Ayaa macluumaadkaas la wadaagay wasiirka debeda eee Ruushka sarjio Kavrof, iyadoo cidii macluumaadkaas marykanka la wadaagtay ay ka dalbatay in ayna lawadaagin dawlada Ruushka.

Madaxwaynaha maraykanka ee Donald Trump ayaa difaacay xaqa uu uleeyahay in uu Ruushka lawadaago waxa uu doonayo oo kasta in uu lawadaago.

Balse aqalka cad ayaa diiday in isha macluumaadkaas laga helay ay tahy israil.

Si kastaba ha haatee arinta uu trump ku kacay ayaa ah mid qaanuunka aan ka hor imanayn, inkastoo mujtamaca iyo saxaafada maraykankuna ay ku qeexeen arintaa mid kalsooni daro ah.

Dhanka kalena Israel ayaa sheegtay in ay aad ugu kalsoonatay Maraykanka, arintanina aan dhaawac wayn ku keenayn.