Warar lagu kalsoon yahay oo ay SBC ka heshay ilo wareed oo ku dhaw xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in uu soo kordhayo qorshe lagu doonayo in isku shaandheyn lagu sameeyo xubnaha golaha wasiirada ee mudada 3-da bilood ka yar jira.

Talaabada lagu doonayo in lagu shaandheeyo golaha wasiirada ayaa la sheegayaa inay isku aragti ka yihiin Madaxweynaha & Gudoomiyaha Baarlamanka Sheekh Shariif Sheekh Axmed & Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyadoo sidoo kale ay jiraan warar sheegaya in sidoo kale talaabadaasi ay tahay mid ay doonayaan wadamada taageerada dawlada KMG.

Isku shaandheyntan ayaa la soo sheegayaa inay galaafan doonto xubno wasiiro ah oo fartu ku godan tahay kuwaasi oo ay ka mid yihin wasiirka Gaashaandhiga, Arimaha dibada, Warfaafinta, Arimaha gudaha & waliba shaqada & shaqaalaha, kuwaasi oo qaarkood xilalkooda shaqo dhaliilo lagu xusey.

Ilo wareedka ayaa sheegaya in dawlada Ugandha ay qayb ka tahay talaabada lagu doonayo in xilalka loo qaado wasiirada Gaashaandhigay & arimaha dibada, kuwaasi oo lagu tilmaamay inaanay aqoon u laheyn shaqooyinka wasaaradeed ee loo magacaabay.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in qorshaha isbadalka golaha wasiirada lagu sameynayo ay ka qayb tahay sidii loogu soo dari lahaa golaha wasiirada cusub xubno horey uga mid ahaa xukuumadii Farmaajo.

Cabdikariin Maxamuud Xaaji Fiqi oo ahaa wasiirkii Gaashaandhiga ee xukuumadii Farmaajo & waliba Mustaf Dhuxulow ayaa la hadal hayaa inay ka mid noqon doonaan golaha wasiirada cusub sida ay sheegayaan ilo wareedka aynu soo xiganay.

Lamase oga mowqifka rasmiga ah ee uu ka qabo arintan Ra’isalwasaare Cabdiwali Gaas balse ay isku raacsan yihin Madaxweynaha & Gudoomiyaha Baarlamanka.

Axmed Aar
SBC Muqdisho
ahmedaar@live.com