Isku hub urursi iyo gurmadyo dagaal oo ka socda Deegaano ka tirsan G/Jubada Hoose

Xiisado Colaadeed iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa ka jira deegaano ku yaala duleedka Magaalada Kismaayo Xarunta gobolkaasi Jubada hoose halkaas oo uu shalay dagaal ku dhexmaray ciidamada Amisom kuwa Dowlada Somalia iyo Xarkada Shabaab Almujaahidin.

Deegaan Lagu magacaabo Bibi iyo dhowr tuulo oo hoos miyaada ayaa laga soo sheegayaaisku ababulka dagaal iyo casida ah in dagaal saacadaha nagu soo foodleh ka qarxa halkaasi .

Dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo oo xiriiro la sameeyay deegaanadaas ayaa sheegay in ay soconayaan gurmadyo labada dhinac u kala soconaya kuwaasi oo lagu xoojinayo difaacyada labada dhinac .

Maalin nimadii shalay ayay sheegatay Dowlada Soomaaliya in ay horumaro ka sameysay dagaal halkasi ka dhacay iyadoo saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada Sheegeen in ay qabsadeen deegaanka Bibi iyo deegaano kale inkastoo aan loo heyn warar ka madaxbanaan oo xaqiijinaya warkaasi.

Khasaare ayaa ka dhashay dagaalkii shalay waxaana la sheegay in ilaa 6 labada dhinac ah ay ku dhinteen dagaalkaasi dhaawacuna intaasi ka badanyahay.

Waayadii ugu dambeysay dagaalo iyo xiisado dagaal ayaa ku so laalaabanayay deegaanada duleedka magaalada Madaxda gobolka jubada hoose ee Kismaayo iyadoo ay taasi dheereed duqeymo dhanka Hawada iyo badda ah oo loogeysanayay Magaalada Kismaayo .

Waxii wara ee soo kordha kala soco wararka dambe.

Daalacatey :497

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print