Waxaa dhawaan la sameeyay isku aadka tartanka Champions league wareegiisa sideed dhamaadka waxaana kasoo kulamo aan la saadaalin karin natiijooyinka kasoo bixi kara ciyaarahaasi.

Kooxda Atheletico Madrid ayaa soo dhaween doonta lugta koowaad ee wareega sideed dhamaadka Champions league kooxda reer England ee Leicester City.

Borrusia Dortmund ayaa ah kooxda nasiib a=badan maadaama kooxda As Monoco oo la yasayo ay ku aaday.

Byern Munich ayaa qoorta u gashay kooxda daafacanysa tartanka ee Real Madrid taasoo lugta koowaad kusoo dhaween doonta garoonkeeda Arena Stadium.

Barcelona ayaa mar kale la saadaalin karaa in ay kasoo gudbi karto wareega sideed dhamaadka tartanka maadaama ay ku aaday kooxda Juventus taasoo ay xusid mudantahay in ay riyadii Alves ay rumowday maadaama uu donayey in uu ku aado kooxdiisa hore.

HOOS KA ARAG LIISKA ISKU AADKA :

sax