Xiriirka kubada cagta ee wadanka England ee magaciisa loo soo gaabiyo FA ayaa shaaca ka qaaday jadwalka  cusub ee ciyaaraha Premier League xili ciyaareedkan cusub 2011/12.

Kooxda Manchester United ee horaaylka ah ama haysata koobka ayaa u safri doonto kooxda  West Bromwich wareega koowaad  ee taratnka Premier League-ga  taariikduna marka ay tahay 13 August 2011 ,intaa kuma ee kee  kooxda  Man utd waxay wareega 2aad iyo 3aad la ciyaari doontaa laba kooxood oo ka soo jeeda magaalada London, iyadoo kula ciyaari doonta kooxahaasi Arsenal & Tottenham  gurigeeda Old Trafford.

Dhinaca kale kooxda Arsenal ayaa marti u noqonaysa kooxda New Castle, waxaana ugu sii xigi doona wareegada 2-aad & 3-aad kooxaha Liverpool & Man United.

Kooxda Chelsea waxay marti galin doontaa kulanka ugu horeeya kooxda Stoke City (hadii ALLE na gaarsiiyo).

Kooxda Manchester City oo sanadkan ka qayb galeysa koobka Champion League-ga ayaa waxay wareegada ugu horeeya fooda isdari doonaan kooxda ku soo biirtey sanadkan horyaalka Premier League-ga ee Swanca City.

Norwich City oo sidoo kale ka mid ah kooxaha sanadkan nasiibka u yeeshay ka qayb galka ciyaaraha Premiership-ka waxay legdami doonaan kooxda Bolton, sidaasi oo kalena Queans Park Rangers oo sanadkan iyaduna ku soo biirtey Premiership-ka waxay kala reebta wada tagi doonaan kooxda Wolves oo sanadkii hore si dirqi ah uga badbaaday inay ka dhacdo salaanka ciyaaraha Premier League-ga.

C/fataax Mowliid Xaaji
fahathaji@hotmail.com