ilawareedyo kusugan dalkaasi Suuriya ayaa shegaya in dagaal qaraar uu ka dhex socdo ururka ISIS iyo xoogaga ladagalaanka argagixisada ee dalkaasi maanta oo jimca ah magaalada Mosul.

kacdoonkan ayaa ka socda xaafada Thowra lagu magacaabo , taas oo ah xarunta dhinaca galbeed ee magaalada Mosul.

Hogaamiyaha hawlgalkan ayaa shaaciyay khamiistii in ay xoogaga ladagaalanka aragagixisada ay so ceshadadeen xaafadaas oo dhan , balse illo ka Agdhow gobtaas ayaa sheegay in aad ilaa iyo haatan laysku horfadhiyo, kooxda ladagaalanka argagixisaduna ayna guul ka gaarin, xabadaha lays dhaafsanayana laga maqlayo goobo badan.

Wararka ayaa shegaya in Mosu-shii hore ay ciidamada suurya ku garaacayaan madaafiic .

Goobaha ay ciidamadu aadka u duqaynayaan ayaa waxaa ka mid ah, Baab Kashk, Bab Jadiid, Faaruuq iyo Mashaahid.

Wararka ayaa intaasi ku daray in duqaymahan ay geesteb dil , burburka guryo badan, dhimashada shacab aad ufarabadan .

Duqaymaha oo si isdaba joga socda awgood ayaa hortaagan gurmadka iyo waliba in la aaso maydadka iska dul baxay ee ku le’day gobahaasi.