Gaalakcyo– Sida ay ku waramayaan wararka naga soogaaraya magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug, waxaa halkaasi ka soconaya iska horimaad xoogan oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Iska horimaadkaasi oo qarxay goor duhurkii maanta aheyd ayaa sida la sheegay waxa uu u dhexeeyaa laba maleeshoyo  oo ku dhaqan gudaha magaaladaas ,

Ilo wargal ah oo la hadlay warqabadka SBC ee Gaalkacyo ayaa sheegay in iska horimaadkani uu yimid ka dib markii saaka lagu dilay gudaha Gaalkacyo nin dhalin yaro ah, .

Inkastoo aan la xaqiijin Karin wax khasaare ah oo ka dhashay dagaalkaasi inkastoo ay jiraan ayaa hadana waxa uu dagaalka xoogiisu ka dhacayaa Bartamaha Magaalada gaar ahaan inta u dhexeysa City Center iyo hotel Harar.

Waxii faah faahin ah oo ku soo kordha kala soco wararkayaga xiga.

 Liibaan Qaran
SBC International Gaalkacyo