20 Mar 2010- Iska hor imaad ballaaran oo u dhaxeeya kooxaha Xarakatul Shabaab Mujaahidiin iyo kooxda Xisbul Islam ayaa waxaa dagaal uu ku dhex maray duleedka deegaanka Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose halkaas o oka taliyaa kooxda Islaamiga ah ee Al Shabaab.

Dagaalkan aya lagu soo warramayaa inay soo qaadeen kooxda Xisbul Islaam iyada oo dagaallo hore oo dhacayna Kooxda looga saaray guud ahaanba gobolka Jubada Hoose kaddib khilaafaadyo soo kala dhex galay labadaas kooxood bartamihii sanadkaan.

Dagaalka ayaa ahaa gaadmo ah oo ay soo qaadeen kooxda Xisbul Islaam kaddib koox uu wato  Shiikh Axmed Madoobe oo hoggamiya Ururka Xisbul Islaam ay ku sugnaayeen beryihii ugu dambeeyey tuulooyin fara badan oo hoosta gobolka Jubada hoose.

Ilaa hadda lama yaqaan khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay duleedka Degmada Dhoobley, dhowr isku dhac oo hubaysan ayaa ilaa axadii la soo dhaafay ka dhacay degaano ku xeeran deegaanka Diif, iyadoo dagaalku uu u dhexeeyo ciidamo ka tirsan Xisbul Islaam oo dagaalo gaadmo ah ku qaadaya fariisamaha xoogagga Al-shabaab ay ku leeyihiin degaanka ku xeeran Diif.

Hawl gallo ballaaran oo ay sammeeyeen kooxda Al shabaab ayaa sidoo kale waaa ay ku soo qab qabteen dad reer guuraa ah oo ku sugnaa miyiga deegaanno hoos taga gobolka Jubada Hoose gaar ahaan deegaannada Diif iyo Miyiga Degmada Dhoobleey.

 Mohamed Ali Hersi
SBC online Kismayo.