Garoonka  diyaradaha ee Magaalada  Garowe waxaa  maanta ka dhoofay  Isimadii  ka qayb galilahaa shirka   looga   hadlayo qabyo qoraalka dastuurka Somaliya iyo soo xulida  ergadii ka qayb galilahaa  shirka dstuurka iyo xubnaha barlamaanka cusub ee DKMG ah,  waxaana ku weheliyay socdaalka ay maanta ugu anbabaexeen maglada  Muqdisho Masuliyiin ka socday Xarunta madaxtooyada Puntland saraakiisha ugu saraysa Cidamada Puntland oo uu ka mid ahaa Taliyaha Guud ee Ciidamada qalabka sida ee Puntland S/gaas SIciid Maxamed  Xirsi siciid Dheere iyo  Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland  Dr Jamac warsame.

Suldaan Siciid  Maxamed Garase oo u hadlay oday dhaqameedyada maanta u anbabaxay  Malagalda Muqdisho ayaa sheegay in ujeedka ay Muqdisho u tagayaan ay tahay sidii ay uga qeyn gali lahaayeen kulamada ansixinta dastuurka DKMG ah iyagoo u matalaya Puntland.

Waxaana ismimadani ayahayeen Maanta Baxay  kuwa ugu cansandeegamada Puntland oo la oran karo soo jireen ku abtirsada dhaqanka fog iyadoo maantana ay ku soo sagootiyeen Garoonka diyaradaha Garowe  xubno ka tirsan  wasirada Puntland oo uu ka mid ahaa Wasirka Maliyada hawlaga Guud iyo guryanta SHaqada iyo  shaqalaha iyo  Wasirka Duulista Hawada ee Puntland.

Daawo Sawirada