In ka badan 150 Qof oo isugu jira Caruur iyo dad waaweyn oo faruuran ayaa waxa amaalintii labaad uga socota Isbitalka guud ee magaalada Garoowe Qaliino looga sameynayo Faruuryaha jeexan kuwaas oo ay fulinayaan Dhaqaatiir ka socota Hay’ad Maxali ah oo qaabilsan qurxinta jirka dadka ay goo go’anyihiin.

Dr Maxamed Xasan Carabey oo Saxaafada kula hadlay isbitalka Garoowe ayaa sheegay in dadkani loosameynayo qaliinada ay isugu jiraan dad ka kala yimid gobolada dalka gebi ahaantiisba, isalamarkaana isugu jiraan caruur iyo Dadwaaweynba.

Waxa uu intaasi ku daray Dhaqtarku in dadkaasi inta la diiwaan geliyay ay gaarayaan 150 islamarkaana dhamaantood loo fulintoodo qaliino si loo qurxiyo faruuryaha ka jeexan,

Qaar ka mid ah dadka faruuryaha jeexan ee lagu fulinayay qaliinka ayaa sheegay xili aan Microphone-ka la dhexqaadnay in ay si aad ah ugu faraxsanyihin howlaha mutadawacnimada ah ee loo fulinayo islamarkaana ay markii hore ku qabeen dhibaato kaga timaada dadka qaar oo ku caaya faruuryahooda oo jeexan iyo halka qaarkood ku sameeya faquuq iyo wixii la mid ah.

Ma ahan markii ugu horeysay oo dad ceynkan oo kale ah lagu sameeyo qaliin dhanka faruuryaha ah, waxay aheyd sanadkan oo ay maalmaha unka dhimanyihiin bartamihiisa markii adeeg ceynkan oo kale ah ay gudaha Isbitalka Garowe ka fuliyeen dhaqaatiir u dhalatay dalka Turkiga.

C/naasir Naasiin Salaad
SBC International Garoowe.